Giriiga: Markii La Aasay Ayay Xabaashii Ka Dhex Qayliysay

0
454

Xabaal ku taal magaalada  Salonica ee dalka Giriiga ayaa nin shaqaale ahi kala kulmay xaalad cabsi leh, ka dib markii uu maqlay dhawaaq ka soo baxaya qabriga oo markaasi in yar ka hor la aasay. Dhowaaqaasi codka oo ahaa qof dumar ah, ayaa ninki iyo dadkii ehelka  u ahaa oo qabariga aan kaba fogaan ay ku dadaaleen  inay ka soo saaran gabadh oo da’adeedu ahayd  59 jir ahayad.  Laakiin nasiib daro markii ay gaadheen waxay la kulmeen iyadoo mayd ah, oo dhinacna uga soo baxday naxashka lagu aasay. Waxaana ehelkeedu ay dacweeyeen dhakhaaiirta sheegtay inay dhimatay iyagoo ku doodaya in dhimashadeeda ay sababtay neefta qabatay iyo iyadoo ka aragagaxday meesha ay joogto.
Dhakhaatiirta ayaa iyana sheegay in dhamaan tilmaamihii gabadhani ay bixinaysay intii aan la aasin ay cadaynayeen inay dhimatay saacado ka hor. Waxaana maydka gabadhaasi la geeyay Isbitaal si loo xaqiijiyo  sababta dhimashadeeda ee haatan la isku haysto. (BBC English).

Leave a Reply