Hambalyo Sidaad Hebel u Jiidh-jiidhay!

0
538

Masuuliyiinta Dawlada ee u heeganka ah  inay Dalkooda iyo dadkooda u adeegaan islamarkaana shacabku ay u ogyihiin, waxaa u wanaagsan in ayna isku mashquulin shakhsiyaadka caadaystay xumaha iyo xag-xagashada .  haddii aad ogaan-lahaydeen kuwaa aad u jawaabaysaan ee aad wakhtiga iskaga luminaysaan ; hankooda iyo hamigooda afkiinaad xidhan lahaydeen.
Haddaba, kuwaasi hankoodu waa sidan:  waxay inta badan maalinta galinkeeda hore ku wareegaan  hoteelada magaalada, waa hoteelada ay ku nastaan shakhsiyaad iyagu fadhi ku dirirka ah balse aan jeclayn inay warbaahinta hor fadhiistaan ama qoraal ahaan ugu gudbiyaan afkaartooda. Marka ay hoteelada soo galaan ee ay soo dul istaagaan afar miis wada fadhiya , ayuu mid kamid ah kuwa fadhiyaa salaan kula kacaa oo uu yidhaa “  Waryaa Cali ama Siciid kolba ka uu yahay, Sidaad Hebel u weerartay aad iyo aad ……! Waanu kuu hambalyeynanaa….! Ninkaa odayga ah ee wax qoray marka intaa lagu yidhi waxa uu ugu jawaabaa “  Haa…. Ma Tvga ayaa ka daawateen mise Jaraaidka?  intaan loo jawaabin ayuu haddana odhanayaa Eega jaraaidka waanigan sidee waa GEESKII , waana jaraaid wanaagsan boga kowaad ayuu nagu soo qoraa…!  Raga aan sheegayaa maalinta ay wax tuur-tuuraan marka ay goobta u horeysa kala kulmaan hambalyadaa afarta ay xulafada yihiin ku yidhaahdaan waxay kala bataan farxad illaa ay cagta wada mariyaan inta badan hoteelada magaalada .
Haddaba, Shakhsiyaadka hamigoodu iyo fikirkoodu kaa yahay,  ee waxaan idhi iyo waxaan qoray miyaad aragteen iyo Hambalyo lagu yidhaa hankoodu yahay ee ay shacabku ka ruwaayadaystaan markay ogaadeen waxay ku riyaaqaan marka lagu yidhaa in jawaabo lasiiyo waa wakhti lumis aan haboonayn ayaan qabaa .
 
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply