Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay In Mar la Wada Qabto Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda Goluhu waxa kale oo uu meel mariyay xeerka diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha

0
423

Hargeysa (Dawan) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay meel mariyay in mar la wada qabto doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Madaxtooyadda. Waxa kale oo ay aqalkaasi ansixiyeen xeerka diiwaangelinta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha. Arrintaasi oo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xildhibaanada xisbigiisu ay hore ugu ololeynayeen in la soo hor-mariyo doorashadda Madaxtooyadda.
 
 
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada  oo uu Guddoominayay Guddoomiye Cirro,  waxay xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka diiwaan gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha.
Fadhigaas waxa ku sugnaa 66 xildhibaan oo ka mid ah  82-ka Xildhibaan  ee uu ka kooban yahay Golaha wakiiladdu,  cod qaadista wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka diiwaan galinta madaniga ah  iyo codbixiyeyaasha,  waxa ogolaaday 64 xildhibaan, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay 1 xildhibaan, gudoomiyuhuna muucodayn. Sidaasna waxay Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka diiwaan galinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha xeer lambar 37.
Sidoo kale Gudoomiye  Cabdiraxmaan Cirro  waxa uu xildhibaanada golaha ku sugnaa ka hor akhriyay go’aanka ay golaha wakiiladu ka gaadheen arrimaha doorashooyinka soo socda, codna loo qaadi doono, gudoomiyuhu isagoo arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu go’aamiyay in hal mar la wada qabto wakhtigooda doorashada madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiilada,  isagoo Goluhu tix galinaaya hanaanka geeddi socodka dimquraadiyadda Somaliland iyo rabitaanka shacabka in goluhu qabyo tiro dhammaan wixii xeerar ah ee loo baahan yahay doorashada ka hor.”
Isla fadhigaas waxa cod loo qaaday go’aankaas uu gudoomiyuhu ka hor akhriyay xildhibaanada waxa fadhiyay 66 xildhibaan, cod qaadis ka dib in la ansixiyo xeerka go’aankaas gle ogolaaday 64 xildhibaan, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay 1 xildhibaan, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasna waxay golaha wakiiladu cod ku ansixiyeen go’aankii gole ee ahaa in labada doorasho ee madaxtooyada iyo  wakiilada mar la wada qabto. Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay galeen fasaxoodii caadiga ahaa ee u dhexeeyay labada kal-fadhi, kaas ah muddo lix todobaad ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inaanay waxba ka qabin in go’aanka Goluhu gaadhay ee la xidhiidha in doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda hal mar la wada qabto badhtmaha sannadka fooda innagu soo haya  ee 2015-ka.
Dawannews  Hargeisa Office

Leave a Reply