Qaar kamida faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka

0
446

Kalluunka oo loo tixgeliyo inuu ka mid yahay cuntooyinka ugu faa?iidada badan ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo Omega-3 fatty Acids oo aad muhiim ugu ah jidhka iyo caafimaadkiisa.
 
Haddaba, kalluunka ayaa isagu difaaca cudurro badan, isla markaana dadku ka faa?iidaan caafimaad aad u wanaagsan, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu kalluunku dadku ka helaan;
1.       Wuxuu ka hortaga xannuunada ku dhaca wadnaha
Daraasadi badan oo la sameeyey ayaa iftiimiyey in cunista kalluunku ay daawo ka tahay, isla markaana hoos-u-dhigto khatarta cudurrada ku dhaca wadna, gaar ahaan qofka toddobaad kasta cuna waxa uu ka badbaada cudurrada wadnaha asiiba. Saliida kalluunkana waxa loo yaqaana inay yarayso dhibaatooyinka dhiigga bina?aadamka la soo darisa.
2.       Waxa uu yareeya khatarta Kansarka
Cilmi-baadhis laga fuliyey dalka Sweden ayaa daboolka ka qaaday in maadada Selenium oo badana laga helo kalluun waxay dadka u saamaxda inay iska difacaan cudurka kansarka, waxaanay daraasadu sheegtay in ragga aad u quuta kalluunku annu ku dhicin Kansarku, maka loo eego kuwa aan iyagu cunin kalluunka.
Waxa u dadka ka ilaaliyaa isku buuqa amma cadhada badan
Kalluunka oo laga helo maadada Omega-3 Fatty Acids, taasoo kordhisa maadada Serotonin oo maskaxda bina?aadamka ku keenta in ay degenaato markay gaadho, waxaannu noqdaa qofkay maadadan ku badan tahay mid dhinaca fiican ka fikira oo farxad badan, noloshiisuna aad u degan tahay mar kasta.
 

Leave a Reply