Diyaarad laga leeyahay Australia oo noqotay diyaaradda ugu dheeraysa uguna dheer caalamka

0
405

Diyaarada dalkaasi Australia  ee lagu magcaabo Australian National Airline (Qantas) ayaa noqotay diyaaradda ugu dheeraysa dunnida sannadkan ,iyada oo waqti gaaban u kala socotay magaalooyinka lagu magcaabo Cindy oo ku taalada dalkaasi Australia iyo Dallas oo dalkaasi Maraykanka ku taala,waxaanay sidaasi ku noqotay diyaarada ugu dheeraysa caalamka sannadkan.
Waxa kale oo ay noqotay diyaaradani diyaaradda ugu dheer caalamka,sidaasna waxa lagu sheegay website ka lagu magcaabo Mashable,waxaanay sheegeen in diyaaradani tahay mida ugu dheer uguna dheeraysa caalamka ,gaar ahaana sannadkan ,iyada oo ah nooca loo yaqaano Airbus Aye 3890,waxaanay duulimaadyo samaysaa toddobaadkii 0.6 dulimaad oo u dhexeeya magaalooyinka Sydney iyo Dallas.
Safarkii ugu dambeeyey ayaa ahaa mid qaatay 15 saacadood ,iyada oo masaafada ay u kala soconaysayna ahayd 13800,000 oo Kilometer ,waxaana sidoo kale laga qiyaas qaatay lambarka dadka reer Australia ah ee booqday magaalada Texas inay kor u keceen 10%,sidaasna waxa sheegay madaxa gudidaasi ee shirkadda diyaaradaasi iska leh.
Wuxuu sheegay  ninkaasi in aan loo baahnayn kuraas dheeraada ,sidoo kalena aan lagu darin laakin ay yihiin kuwii hore uun ,mana dhaafaan sida uu sheegay rakaabka ay qaadaan 380 qof oo ah inta loo ogol yahay,waana intaas inta noqontay 10%,laakin waxa meesha dheeraadka keenay waqtiga badan ee aanu dulimaadka samaynayno ayuu yidhi.
Diyaaradan ayaa bilawday dulimaadyada ay iskaga gooshayso magaalooyinka Sydney iyo Dallas sannadkii 2011-kii,waxaanay markii hore shrikaddani isticmaali jirtay diyaar kale oo ah nooca loo yaqaano Boeing 747400 ER,waxaana loo bedeley diyaaradaasi sababo dhinaca ciladaha ah ,gaar ahaana dabaylaha oo waxyeelo u geysan kara.
Diyaaradan ayaa ah ta ka kooban labada daba,waxaanay u kala duushaa dalkaasi Australia iyo Maraykanka Woqooyi toddobaadkii 14 jeer,waxa kale oo ay sheegeen inay galaan dulimaadka caalamka ugu dheer oo ay galaan diyaaradohoodu New Jersey iyo Singapoor,taas oo masaafadiisu tahay ugu dhawaan 15343,000 Km,waxaanay ku qaadataa 19 saacadood.
Waxaanay safaradaasi oo kale joojiyeen sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka bishii November,marka laga yimaado safarka Sydney iyo Dallas,waxa uu safarkaas la joojiyey noqonayaa ka labaad ee caalamka ugu dheer safar ahaan,waxa kale oo isna kaalinta labaad gelaaya safarka lagu tegaayo Johanspora iyo Atlanta ,kaas oo masaafadiisu tahay 13 A iyo 582 km,halka ka saddexaad ee socdaal ahina noqonaayo ka lagu tegaayo Los Angeles iyo Isu taga Imaaraadka Carabta,waxaanu masaafo ahaan noqonayaa 13420,000 Km.
 
 

Leave a Reply