Markabkii U Dambeeyay Oo Xalay Xoolo Qaaday Sucuudiga Moosinka Xajka

0
453

Hargeysa (Dawan): Waxa  todobaadyaddii u dambeeyay ay dalka ka dhoofeen Maraakiib xoolo badan sida, ayaa  waxa   magaaladda Berbera ka baxay  Markabkii ugu danbeeyay  oo siday xoolaha moosinka   Carafo ee  Xajka, kaasi  oo qaaday  70,000 oo neef.  Siddaasi    waxa wargeyska Dawan u sheegay Cali Ibraahin   Ciise (Cali Waraabe) oo ka mid ah ganacsatadda xoolaha dhoofisa, waxana uu sheegay in maadaama oo ay dhawdahay Ciidda Carafo in markabkii u dambeeyay  oo  xoolo  qaadaya uu xalay ka baxay dekadda Berbera.   “Insha Allaa waxa aanu maanta (shalay)  gabogabeynaynaa xoolihii u danbeeyay loogu talogalay in Carafada loo dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaana taagan markii u danbeeyay oo qaadi doona 70,000 oo neef, caawa ama habeen danbe ayuu bixi doonaa” ayuu yidhi Cali Ibraahin Ciise oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee xoolaha dhoofisa. Waxa kale oo uu sheegay ganacsade Cali in tiradda xoolaha ee sayladaha la keenay ay sanadkan aad u badnayd, isla markaana  aanu qiimaha xoolaha gaar ahaana Adhiga aanu  sanadkan hoos u dhicin, iyada oo la kala siisanayay inta u dhaxaysa $80 ilaa $90 dollar. “Sanadkan qiimaha xooluhu marnaba ismuu beddelin, waxaanu ku dhamaaday Adhiga  $ 80 ilaa $ 90 inta u dhexeysa, xoolaha sayladaha iminayay  way badnaayeen. sanadkan dunida xoolaheena aad baa looga raraa waxaana jira  waddamo inaga xoolo waaweyn oo inala tartamaya, waxa la inooga baahan yahay in dadka  Soomaalida ah ee xoolaha dhaqda ee xoolahooda si fiican u naaxiyaan oo tartanka u diyaarayaan,”ayuu yidhi Cali Ibraahim Ciise.
By: Idiris M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply