“Beerta Ilma Saleebaan Bidde, Ciidanku Xoog Kagama Haysto, Guddidii Loo Saarayna Warqad ayay U Qoreen”

0
494

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,  ayaa sheegay in aanay la wareegin ciidanka Qaranka  ee degan beerta Ilma Saleebaan Bidde,  ku taala agagaarka madaarka   diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.
 
Axmed Xaaji Cali  Cadami,  waxa uu sidan ka sheegay mar uu isniintii todobaadkan hor tagay  Golaha Wakiiladda  oo waxa ka waydiiyay hawlaha shaqo ee ay Wasaaradiisu  qaranka  u hayso.
 
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa waxa uu Wasiirka gaashaandhiga waydiiyay sababta ay ciidanka qaranka ee degeen  beerta Ilma Saleebaan Bidde ee ku taalla agagaarka Madaarka Hargeysa.
Wasiir Cadami   oo ka jawaabayay su’aashaasi uu  xildhibaanku waydiiyay    ayaa sheegay in   guddi Wasiirro ah hore  loogu  saaray arrinta beertaas ay cadeeyeen inay qoyskaasi leeyihiin, waxaanu ku dooday in aanay ciidanku awood   ku deganayn dhulkaasi, hase yeeshee   uu wada hadal u socdo qoyskii  iska leh  beertan. isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Beerta Ilma Saleebaan Bide ciidanka qaranku warqad uma qorin guddi baana loo xil saaray, waana reer wanaagsan oo gudidu way soo dhawaysa,  waanay cashuurtaan, Guddidu  waxay u qortay warqad cadaynaysa lahaanshaha dhulka cid ka xoogtayna ma jirto.Aniguna (Wasiir) ahaan  waan saxeexay waxaana u hadhay oo kaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha oo yidhi aynu iskaga  nimaadno.”
 
Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa sii watay waxa  uu yidhi “Dabadeedna  shirkii u dambeeyay aanu wada yeelan lahayn Wasiirka Daakhiliga,  wuu ka  dhoofay oo wuu dhoof badan yahay,  in kasta oo ay tahay in aanu doofin Wasiirka Arrimaha Guduhu oo uu ku fiican yahay inuu joogo dalka gudihisa,  laakiin wax diidmo iyo xoog wax lagaga xoogay iyo dhul laga qaaday Ilma Saleebaan Bidde ma jirto si gobanimo lehna way sameeyeen oo waxay yidhaahdeen inta ciidanka qaranku u baahan yihiin ha qaataan inta Airport ku u baahan yahay-na ha qaato, wixii lagama maarmaana ha nala siiyo waxba kama qabno ayaan ku nidhi.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Haargeysa office

Leave a Reply