Sharciga Kalluumaysiga Somaliland

0
440

Sharci Lambar 024 Ee Nov. 1995
Qodobka 6aad: Xilliyada Bad-xidhanka
Wasaaraddu waxay qoraal kusoo saaraysaa caddeyn muujinaysa waqtiyada kalluumaysiga la xidhayo, iyadoo isla markaa caddeynaysa sababaha loo xidhay.
Marka loo baahdo bad-xidhanka kalluumaysiga waa la kordhin karaa ama la yareyn karaa.
Bad-xidhanka wuxuu khuseeyaa oo keliya gaadiidka kalluumaysiga ee yar yar ee aan u adkaysanayn dabayl xagaaga.
Qodobka 7aad: Ruqsadda Kalluumaysiga
Qodobka guud:
Wasaaraddu waxay ruqsad kalluumaysi siin kartaa gaadiidka kalluumaysiga ee waddaniga ah iyo shisheeyahaba, waxaana laga qaadi doonaa khidmad (Fee), qasnada dawladda la dhigo.
Qof kasta oo xiiseeya kalluumaysiga wuxuu qaadanayaa ruqsad kalluumaysi.
Wasaaraddu waxay codsadaha siinaysaa ruqsad kalluumaysi oo waafaqsan sharciga.
Codsi ruqsad kalluumaysi ee lasoo gudbinayaa waa inuu muujiyaa.
Magaca tafaasiisha markabka, calanka iyo dekeda uu ka diiwaangashan yahay.
Lambarka dhinaca ee markabka, xidhiidhka raadiyaha iyo mawjadda (Frequency).
Magaca hantiilaha, soo kireystaha iyo naakhuudaha.
Tafaasiisha kalluumaysiga la xidhiidha eek u xusan arjiga codsadaha.
Nooca kalluumaysiga.
Habka kalluumaysiga iyo qalabka uu isticmaalayo.
Goobta kalluumaysiga.
Goobta wax-soosaarka la dhigayo, tafaasiisha suuq-geynta, meesha ugu dambaysa ee wax-soosaarka la gaynayo iyo isticmaal amadka.
Noocyada kalluunka iyo noolaha badda ee la qabanayo.
Faahfaahinta gaadiidka kalluumaysiga bad-maaxinta iyo doonyaha kale ee markabku wadan karo.
Xidhiidhada kale ee iskaashi ee uu la leeyahay Somaliland.
Dammaanada bangiga.
Wixii faahfaahin ah ee wasaaraddani codsato.
Markabka ruqsad kalluumaysi la siiyay, waa inuu muddo 30 cisho ah wasaaradda kusoo gaadhsiiyaa ama kusoo ogaysiiyaa, wixi isbedel dhaca, sida kala wareejinta lahaanshaha iyo kireysigiisaba.
Lambarka ruqsadda, magaca markabka iyo dekeda uu ka diiwaangashan yahay, waa in si cad loogu qoraa dhinacyada markabka.
Qodobka 8aad: Qof kasta oo la siiyay ruqsad kalluumaysi waa inuu:
Waa inuu ilaaliyaa shuruucda dalka iyo xeer nidaamyada (Regulations) wasaaradda.
Dhiibbaa wararka la xidhiidha hawlihiisa kalluumaysi, sida (xaddiga, noocyada, amadka (product), goobta laga kalluumaystay, sinjiyadda kalluunka iyo noocyada kale ee noolaha badda ee ganacsi gali kara ama la habeeyay (processed).
Qodobka 9aad: Cilmi Baadhista
Wasaaraddu waxay qoraal ahaan ugu ogolaanaysaa qof kasta ama markab kasta oo haysta ruqsad kalluumaysi inuu cilmi baadhis ku sameeyo kalluumaysiga iyo hawlaha kale ee la xidhiidha khayraadka badda.
Qodobka 10aad: Kaantarool, Baadhista iyo Kormeerka
cid kasta oo ku hawlan kalluumaysi waa la kormeeri karaa, lana baadhi karaa, iyadoo loo eegayo baahida markaa jirta, marka laga reebo hay’addaha ku shaqada leh arrintan, Isu-duwaha gobol ee wasaaraddu wuxuu kormeer iyo baadhis ku samayn karaa gaadiidka ku hawlan kalluumaysi ee aaggiisa.
Markabka ku xad gudba waxyaabaha uu koobayo sharcigani, waxa la gaynayaa dekadaha dalka ta ugu dhaw.
Haddii markab fa-dambiyeed ku galo biyaha Somaliland, ka dibna uu u gudbo xuduudka dal kale, waxa arrintan loo bandhigayaa hay’addaha ay khusayso, iyada oo la raacayo xeerka caalamiga ah ee badda.
Qodobka 11aad: Ganaax
Wixii xad gudub ah ee lagu sameeyo qodobka 7aad iyo 9aad ee sharcigan waxa lagu ganaaxayaa:
Doonyaha yar yare e aan matoorka lahayn waxa la ganaaxayaa (100 ilaa 150 $).
Doonyaha yar yar matoorkoodu u dhexeeyo 6 ilaa 30 faras waxa la ganaaxayaa (400 ilaa 800 $).
Doonyaha yar yar ee matoorkoodu u dhexeeyo 31 ilaa 100 waxa la ganaaxayaa (1000 ilaa 2000 $)
La soco…
 
 

Leave a Reply