Tuug Nasiib Badan

0
669

Dalka sacuudiga magalaada Hail gabadh waayeel ayaa qabatay tuug usoo dhacay gurigeed, kana qaatay lacag dhan 3000 Riyal. Gabadhan waayeelka aya markii ay maqashay sanaqadha tuugan kaxayastay adeegaheedii si ay u egaan halka sanqadhu ka socto, waxayn si lama filaan u aragtay tuuga u soo dhacay guriga kaasi oo sita shandad ay ku jirtay lacag dhan 3000.
Sida uu qoray wargeyska Hail ee ka soo baxa Sacuudiga, Gabadhan waayeelka ayaa doonaysay inay Booliiska u dhiibto tuugan, laakiin way bedeshay fikradaasi ka dib markii tuuga u sheegay in sababta ku keliftay tuugadan ay tahay iyadoo hooyadii oo bukta uu bixin kari wayay lacagtii dhakhtarka ee laga rabay. ย Gabadhan waayeelka ah ayaa arinkaasi ka naxday waxayna tuugii ugu dartay lacagtii uu haystay 5000 Riyal oo kale si uu isaga bixiyo daynta dhakhtarka.

Leave a Reply