Maxkamadda Dembiyada Dagaalka oo Diiday Codsigii Kenyaatta

0
411

Maxkamadda Dambiyada dagaalka ee ICC ayaa diiday codsigii Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku doonayay in uu ka baaqsado in uu ka hor muuqdo Maxkamadaasi todobaadka soo socda.
Todobaadkii hore madaxwaynaha ayaa ku cudur daartay in uu aad mashquul u yahay. Uhuru Kenyatta waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmay ee 2007-dii oo ay ku nafwaayeen kun iyo laba boqol oo qof. Dhammaan eedahaasu wuu iska fogeeyay madaxweyne Kenya.
Maxkamadda ICC ayaa amartay in Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu shaqsiyan uga soo qaybgalo fadhigaasi maxkamadda ee todobaadka soo socda.
Codsigii uu ku doonayay in laga dhaafana maxkamadda ayaa diiday, waxayna sheegtay in la falanqeynayo arrimo adag oo si toos ah ula xidhiidha danaha eedaysanaha, dhibanayaasha iyo markhaatiyadaba.
Go’aankaasi waxaa kale oo uu diiday codsigii uu soo mariyay qareenadiisa ee ku aadanaa in Maqal iyo muuqal internet ka ah uu uga qaybqaato munaaqashada maxkamadda ICC.
Todobaadkii hore madaxwaynaha qareenadiisa ayaa geeyay codsi sheegaya in Uhuru Kenyatta uu godoomiye ka yahay ururka dalalka Bariga Afrika ayna sii qorshaysnayd in isla maalinta ay maxkamada  rabto in uu ka qaybgalo shir ay madaxwayneyaasha wadankaasi ku yeelanayaan magaalada Kampala, maalinta ku xigtana uu ka qaybgalayo madaxbanaanida dalka Ugandha.
Dacwad oogaha maxkamadda ICC Fatou Bensuda ayaa sheegtay in aysan helin sabab cad oo ay madaxwaynaha  loogu ogolaan karo in uu muuqaal ahaan kaga qaybgalo dhageysiga dacwadda oo aan ka ahayn darajadiisa iyo baaxada ay tahay in uu ku safro.
Maxkamaddu waxa ay ku dooday in shirkaas la sheegay inuu Uhuru Kenyatta ka qeybgalayo, la go’aamiyay intii maxkamadu ay maalintaasi cayimatay kadib.
Maxkamadaynta  madaxwaynaha Kenya waxaa dib loo dhigay dhawr jeer, iyada oo markhaatiyaal muhiim ah ay isaga hadheen kiiska, waxaana jiro eedaymo sheegaya in loo cagajugleeyay ama loo hanjabay.
Madaxwayne Kenyatta wuu diiday in uu maleegay rabshadihii qabaa’ilka ku salaysnaa ee doorashadii 2007-dii dhacay.
 
 

Leave a Reply