Cudurka Ebola oo lagu Arkay Maraykanka

0
435

Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay nin ku nool gobolka Taxes inuu qaaday caabuqa Ebola.
Waa markii ugu horeysay oo la xaqiijiyo in cudurka lagu arko gudaha Mareykanka.
Agaasimaha xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada, Tom Friedan ayaa Shir jaraa’id ka sheegay in bukaanka laga helay Ebola uu xanuunka ka qaaday dalka Liberia.
Qofka cudurkan halista ah laga helay ma aysan ka muuqan calaamadaha xilligii uu Mareykanka gaadhayay.
Dr Friedan waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in kiiskan la xakameyn doono, aysanna ku fideynin gudaha Mareykanka.
Dhaqaatiirta waxay hadda xaqiijinayaan qof kasta oo xidhiidh la yeeshay bukaanka lagu arkay Ebola, haddii ay qaadeen cudurka, waxayna ka shaqeynayaan in dib loogu xaqiijiyo dadka Mareykanka ku nool in xanuunkan oo galbeedka Afrika ku dilay qiyaastii in kabadan seddax kun oo qof inuusan halkaasi ku fidin.

Leave a Reply