Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Culus Oo Socday Swizerland Oo Socdaal ku Yimid Dalka

0
410

Hageysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Dawladda Switzerland oo uu Hoggaaminayay  Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mr. Yves Rossier  iyo Safiirka u Nairobi u fadhiya Mr. Dominik Langenbacher ee arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan u soo dirtay Somaliland,kuwaasi oo socdaal ku yimid  shalay dalka, waxaanay daboolka ka qaadeen inay kordhinayaan deeqaha ay siiyaan Somaliland.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka weftigan ay la yeesheen ka warbixiyey waxa uu sheegay in ay ka wadahadleen sidii cilaqaadka labada dal kor loogu qaadi lahaa, isagoo sheegay in ay ballanqaadeen in ay lacago deeq ah oo Switzerland Somaliland siiso ay kor  u qaadeen.
“Waxaan soo dhawaynayaa  Wasiirka Switzerland iyo safiirka la socda, waana markii ugu horraysa ee wasiirka iyo weftigiisu noo yimadaan. Waxa aannu ka wada hadlaynay sidii labada dal cilaqaad u yeelan lahaayeen, sidii hore u marin lahayn cilaqaadkii hore ee jiray. Waxa aan uga mahadnaqaya waxtarka ay had iyo jeer na siiyaan, iyagoo iminka ballanqaaday in ay waxqabadkooda sii kordhiyaan, kuna dareen $ 2,000,000 (Laba milyar dollar) dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixinayaan.
Waxyaabaha kale ee aanu ka wadahadalnay waxa ka mid ah sidii ay dalkan uga caawin lahaayeen , waxaanannu u sheegnay inuu waddan nabad ah yahay, xuquuqal-insaanka ilaaliya, dimuqraadi ah oo doorashooyin xalaal ah ka dhaceen, mustaqbalkana la rajaynayo in ay ka dhacaan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland wuxuu sheegay in weftigan  booqasho indho indhayn ah ay ku tegi doonaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, waxaannu yidh; “Weftigan waxay bari (maanta)  u baxayaan Berbera iyo Sheekh, imikana waxay ka yimaadeen Xamar oo dhibaato ka taagan tahay, laakiin waxaannu doonaynaa in aanu tusno nabada meesha taala iyo in waddankan la isu socon karo. Waxaanannu jecel nahay in aanu cilaqaad la yeelano, waxyaabo badan baanu noogu ballanqaadeen in ay nagala shaqeeyaan.”
Geesta Kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Switzerland Mr. Yves Rossier   oo weftigaas u hadlay waxa uu sheegay in ay Somaliland sharaf ku heshay hanaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah iyo bulsho nabada ku dhisan, waxaannu yidhi; “Dawladda Switzerland waxay la shaqaysaan mandaqada oo dhan oo Somaliland ka mid tahay, waxanaay kala shaqaysa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarka, arrimaha siyaasadda. Waxaan madaxweynaha Somaliland u sheegay in waxa ugu muhiimsan  ee Somaliland haysata tahay sharaf. sharafteeduna ku xidhan tahay doorashada dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah, bulsho amni ku dhisan, habka ka qaybqaadashada dawladda oo ah mid aad u fiican marka waqtiyadan la eego.”
Wasiir Mr. Yves Rossier   waxa uu intaa ku daray in Switzerland ahaan ay Somaliland u soo kordhin doonaan deeqaha uu baanka adduunku bixiyo ee ay ka qayb qataan, iyagoo kala shaqayn doona Somaliland iyo Soomaaliya in wadahadaladu  hore u sii socdaan. “Waxa aanu ka wada hadalnay Madaxweynaha waxa Somaliland u qaban karto Soomaalida kale ee gobolka, gaar ahaan Badhtamaha Soomaaliya.
Bari (maanta) waxaannu booqan doonaa dhawr goobood sida Sheekh iyo Berbera oo mashaariic aanu ka fulin doono si loo kordhiyo deeqaha Baanka Adduunku bixiyo si loogu maal-galiyo Somaliland, gaar ahaan Switzerland waxay kordhinaysaa maalgashiga iyo deeqaha ay Somaliland siiso, kana maaha wada shaqayntaha dhammadkiisa, balse waxaannu ka qaybqaadan doona dhinaca siyaasadda si ay u socdaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee bilaabmay, waana arrin aan muhiimadeedu ku koobnayn Somaliland, balse gobolka oo dhan ah.”
Weftigan waxay dalka ku sugnaan doonaan dhawr maalmood oo ay socdaalo ku soo mari doonaan degaannada Berbera iyo Sheekh si ay u soo indho indheeyaan horumarka ka socda sida Wasiirka Khaarajiga Somaliland sheegay, waana markii u horraysay ee wefti wasiirro ah dawladda Switzerland u soo dirto Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply