Kambaniga LG oo diyaarinaya saacad cusub oo sida Mobile loogu hadlayo

0
383

Shirkadda LG ayaa diyaarinaysa saacad cusub oo ah nooca loo yaqaano Smart Hour,iyada oo la doonaayo in saacadasi lagu xidho taleefan soo dhacaaya ,sidoo kalena lagu xidhaayo gudeheeda,waana nooc cusub oo ay iminka sameeyeen khubarada shirkadaasi.
Saacadan ayaa shaqaynaysa iyada oo aan u baahnayn in lagu xidho wax taleefan ah ,gaar ahaana taleefanka loo yaqaano Smart Phone-ka ama nooc kamid ah LG-ga ay iyadu soo saarto,waana mid ka duwan kuwa ay soo saaraan shirkadda kale ,sida shirkadda Samsung oo dhowan soo saartay saacad ay ku xidhay Mobile keeda,taas oo qofku awoodo inuu ku hadlo saacadaasi.
Waxyaalaha ay saacadani ku shaqaynayso oo ay kamid yihiin Code Name-keeda ayaa ah mid ay ansixiyeen gudida isgaadhsiita dawlada Federalka ah ee dalkaasi Maraykanku,iyada oo loo ogolaaday inay isticmaasho LG VC100 .
Saacadan ayaa ah mid kombanigaasi ugu talo galay inuu kula tartamo dhigiisa Samsung,iyada oo la rajaynaayo in laga raysto taleefanada la qaadanaayo,waxaana la isticmaali doonaa saacadaasi oo keliyaata,iyada oo lagu sameeyey Hardware dadku xidhan karaan oo Operating System leh.
 

Leave a Reply