Nin weriye ah oo biyo ku dhacay isaga oo waraysi ku dhex jira

0
372

Alselva oo kamid ahaa weriyeyaal  loo diray shaqo maalmeedkoodii ayaa ku dhacay uu waraysi ku qaadaayey dusheeda  isaga oo isku deyey in uu sawir ka qaato ninkii uu waraysiga ka qaadaayey,waxaana laga sugaayey barnaamijkaasi oo ahaa mid ay dadku aad u xiiseeyaan dalkaasi Lugnaan iyo weliba dalalka kale carbeed.
Waxaanu markiiba u diyaar garoobey  waraysi kadib markii uu la kulmay koox lagu magcaabo Lenanese Association,waxaanu isku deyey inuu mid kamid ah dadkaasi sawir ka qaado ,intaa wixii ka dambeeyeyna wuxu ku dhacay biyaha badda .
Weriyahan ayaa ahaa mid ka hawl gala television lagu magcaabo MTV oo dalkaasi Lugnaan laga lee yahay,waxaanay noqotay in la joojiyo duubitaankii ,iyada oo gurmad laga galay sidii loosoo saari lahaa ninkaasi.
Intii uu biyaha ku jiray ayaa shaqaynaayey taleebanka xidhiidhinaayey barnaamijka iyo istuudyaha oo toos isugu xidhnaa,waxaana markii dambe lasoo saaray isaga oo aanay waxba soo gaadhin,waxaanu noqday barnaamijkaasi lasoo duubay kii ugu qosolka badnaa ee ka baxa talefiishankaasi.
 

Leave a Reply