Layberiya: Mayd Naxashkii Lagu Siday Ka Dhex Kacay

0
400

Sida  ay daabcaday  wargeyska Waaga cusub oo ka soo baxa dalka Layberiya laba gabadhood oo mayd ahaan loo qaaday , laguna sii waday Qabriga , ayaa naxashkii lagu siday ka oo soo dhex kacay.
Arinkan ayaa dhacay ka hor intii aan xabaasha lagu ridin. Iyagoo muujinayay inay nool yhihiin.
Warkan ayaa keenay wareer caalamiya iyadoo warbaahinta duniduna ay faafisay. Sida ay qortay wargeyska Waag cusub labadan dumar waxay degenaayeen degmada Neima  oo ah goobaha uu ka dhacay xanuunka ku faafay dalkaasi ee Ebola.
Dumarkan ayaa da’adooda  lagu kala sheegay  60 sano iyo 40 sano. Warabaahinta qaaradda Africa ayaa iyagu shaki geliyay sida uu warkani run u yahay.
Waxase loo malaynayaa in warkani yahay mid looga jeedo in bulshada lagu tuso in xanuunka Ebola yahay mid laga bogsado oo warkanina u yahay mid la abuuray.   ( Alyoumnews).

Leave a Reply