Dagaal ka Socdo Xadka Suuriya iyo Turki

0
497

Dagaal yahaniinta kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka, waxa ay sii xoojisay go’doominta magaalada Kobani ee ku taalla xadka ay wadaagaan Suuriya iyo Turkiga.
Markale waxaa dhacaya duqeymo looga difaacayo kooxdan magaalada.
Ololeeyayaal ku sugan magaalada ayaa sheegaya in duqeymo ay fuliyeen ciidamada uu Mareykanka hogaaminayo ay ku dhinteen ugu yaraan Shan dagaal yahan oo IS ka tirsan.
Ugu yaraan 30 kale oo dagaal yahanno ajaaniib u badnaa ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymo loo geystay bariga fog ee Xasakeh.
Tobannaan kun oo Kurdiyeen qaxooti ah ayaa ka gudbay xadka Turkiga, iyagoo ka baxsanaya dagaallada.
Ciidamada Turkiga ayaa sidoo kale ka ceydhiyay Kurdiyiinta Turkida ah oo isu soo baxay.
Dadkaasi waxay ka cadheysan yihiin in loo diiday inay ka gudbaan xuduudda oo ay ka qeyb galaan dagaalka lagu difaacayo magaalada Kobani oo Kurdiyiinta Suuriya ay degaan.
 
 

Leave a Reply