Dibad baxyada Hong Kong

0
451

Dibadbaxyada ka taagan jasiirada Hongkong ayaa weli sii socda inkasta oo ay ka baxeen goobihii mudharaadka qaarkood, haddana waxa ay dib isugu urursanayaan goob muhiim ah  oo ka baxsan dhismayaasha dawlada.
Haseyeeshee ardayda bannaaanbaxaysa  ayaa difiray inay xanibeen marinadii xarumaha dawladda, waxaanay ku adkaysanayaan in ay shaqaalaha dawladdu ku laaban karaan shaqooyinkoodii.
Waxa ay sheegayaan in ay aqbalayaan wadahadallada dawladdu ku yaboohday haddiiba la baadho weerarada ka dhanka ah iyaga  islamarkaana  aan la muquunin.
Hoggaamiyaha Hong Kong  ayaa sheegay in xafiisyadii dadweynaha la furayo Isniina maanta ah.
Dibad baxayaasha ayaa ka cadhaysan qorshaha dawladda Shiinuhu ku doonayso inay iyadu shaandhayso musharaxiinta sannadka 2017.
Waxa ay doonayaan in loo oggolaado in ay si buuxda u soo doortaan hoggaamiyaha dhulka Hongkong.

Leave a Reply