Doorashada Madaxweynenimada Baraazil

0
615

Saldhigyada codaynta ayaa ka furmaya dalka Brazil si ay u doortaan madaxweyne cusub iyadoo laba dumar ah ay ku tartamayaan.
Madaxweyne Dilma Rousseff oo doonaysa afar sanno oo kale inay xukunka hayso, ayaa la tartamaysa Marina Silva oo ahayd wasiirkii hore ee deegaanka ee xisbiga hantiwadaaga, iyo musharaxa Aecio Neves oo haysta siyaasada bidix dhexe.
Wariyaha BBC ee Brazil ayaa sheegaya in hadda la aaminsan yahay in wareeg labaad ay gali doonaan labada dumar ee tartamaya. Cod bixiyayaasha ayaa sidoo kale dooran doona baarlamaan iyo gudoomiye gobol.
Natiijada ayaa la filayaa saacado kadib markii codbixinada ay xidhmaan.

Leave a Reply