Golihii Sharci Dejinta Ee Wakiiladu Ma Wuxuu Isku Badelay Gollihii Sharci Jabinta

0
451

Somalidu waxay tidhaahdaa nimaan waxa soo socda garanin waxa jooga ma garto, odhaahdaas oo loola jeedo macno ahaan ku talo-galka berri iyo ka fikirka maanta, dhinaca aragtida dheer, fahanka iyo cabirka waxa soo socda.
Aragtida qaloocan ee haddana la rabo inay meel dheer wax aragto waxa u sawirmi kara inuu  qofku ka hadlo ama uu iska dhaadhiciyo wax aanu si buuxda uu arki karin oo malihiisa ah, lagana yaabo inay tahay (0/6)
Waxa nasiib darro ah in Golihii sharci dejinta ee Wakiiladu in  maanta uu isku bedalay Golaha Sharci jabinta sababtoo ah waxay ahayd inay illaaliyaan sharciyada iyo xeerarkii dalka u yaalay, manay ahayn inay baalmaraan kuna tuntaan xeerarkii iyo sharciyadii  ay iyagu ansixiyeen, waxa aad moodaa inay usoo tafo xayteen oo ay doonayaan hab ay ku curyaamiyaan dedaalada horumarineed ee ay bulshada reer Somaliland ku hawlan yihiin, iyo inay xukuumadda ku abuuraan qas iyo wareer, sababtoo ah kal fadhigii 25-aad ee golaha wakiilada ee qabsoomay 30-kii 9-kii bishan 2014, shirkaas oo uu shirgudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro markii ay dhamaatay ansixintii Xeerka Diiwaangalinta muwaadinka ee Xeer Lr. 37/2007. ka dib Guddoomiyuhu wuxuu u akhriyey xildhibaanada go’aan goluhu ka soo saaray doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka in mar la wada qabto, ka dibna wuxuu mudanayaasha ku wargeliyey inay go’aankaas u codeeyaan, waxana aqbalay 64 mudane, hal xildhibaan wuu ka aamusay, cid diidayna may jirin, go’aankaasi waa mid baal marsan XEERKA DOORASHOOYINKA (Xeer Lr. 20/2001) Qodobka 8aad, Wakhtiga qabashada doorashooyinka Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.
markaa Miyaanay jabin qodob ka mid ah Xeerka doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001) qodobkiisa 8-deedaad qodobkaas oo tilmaamaya wakhtiga qabashada doorashooyinka iyo cida sharciga u leh hadday noqon lahayd cayimada wakhtiga doorashada la qabanayo, iyo qaabka doorashada loo qabanayo ama ha la wada qabto doorashada ama ha lakala  dambaysiiyo   labada doorashee, markaa miyeynaan odhan karin Gollahii Sharci dejintu wuxuu isku badelay Gollihii Sharci jabinta.
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply