“ Wasaaradda gaadiidka ee Itoobiya iyo shirkada Ethiopian Airlines, waxay sanadkan tababaro xirfadeed siin doonaa ilaa 40 qof ka mida shaqaalahayaga”

0
530

Hargeysa ( DAWAN) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey najiijada socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Itoobiya iyo kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan Madaxda dalkaasi. Wasiir Maxamuud Xaashi oo toddobaadkan ka soo laabtay Itoobiya, ayaa waxa uu shaaciyey in Wasaaradiisu ay deeq waxbarasho iyo tababaro oo aftar qof ah ka heshay dawlada Itoobiya, ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyey masuulyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland, Cali Buureed, Agaasimaha ee ee Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan iyo Salaadiin. “Waxaan  ka soo laabtay safar shaqo oo rasmiya oo aan ku tagay dalka Itoobiya, oo ujeedadiisu ay ahayd, hawlo badan oo ay wasaaraddu lahayd, oo aanu dawladda Itoobiya iska kaashano dhinaca hawada, iyo in aanu wax badan ka wada hadlno biyo dhigna u smayno. Mudadii aan joogay dalka Itoobiya waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo kala duwan, oo aan hayn kaliya hawlii aan u tagay, waxaan la kulmay madaxda sare ee shirkada Ethiopian Airlines, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac, iyo sidii loo balaadhin lahaa duulimadyada ay shirkadaasi ku timaado Somaliland, gaar ahaan xeebta Berbera, Xukuumaddani muhiimad weyn ayey siinaysaa inay dadka Itoobiyaanka  ee ganacsadatada ah, kuwa dabaqada dhaxe ah iyo muwaadiinta kaleba ay Berbera dalxiis u imaadaan. Waxay leenahay xeeb aad u qurux badan oo nadiif ah oo ka wanaagsan xeebaha kale ee geeska afrika, ujeedo kale ayaa ah in dadka rakaabka ah ee reer Somaliland ee gobolada beri ay duulimaadyadaasi ka faa’iidaystaan, arimahaas si weyn ayaanu isula fahanay, waxa kel oo madaxda shirkada aanu u sheegnay in qiimaha Tigidhka ee duulimaadka Hargeysa iyo Adis uu aad u sareeyo, si loo xoojiyo is dhex galka laba bulshana loo baahanyahay in qiimahaas hoos loo dhigo.”
 
“ waxaanu kulnay Wasiiru  dawlaha wasaaradda Gaadiidka Itoobiya Mr. Gitaju Menegiste, iyo Maareeyaha guud ee hay’ada duulimaadyada Mr. Wesenyeleh Hunegnaw, waxaanu ka wadahadalnay sidii ay Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen arrimaha duulimaadyada, iyo sidii loo samayn lahaa heshiis rasmiya oo wada shaqayneed, oo is afgarad ka balaadhan, waxa kale oo aanu ka wadahadalnay oo aanu isla meel dhignay inay ina gacan siiyaan, inaga Duulimaayadeedna madaniga ahi way oo soo korayaan, ka Itioobiya aad ayuu inooga sareeyaa waanu qaan gaadhay, waxaanu isla  garanay inay Aqoon badan inoo kordhiyaan, oo ay inoo tababaraan shaqaalaha Wasaaradda duulista, Wasaaradda gaadiidka ee Itoobiya iyo shirkada Ethiopian Airlines, waxay sanadkan tababaro xirfadeed siin doonaa  ilaa 40 qof ka mida hawl wadeena kala duwan ee wasaaradda duulista Somaliland.”
 
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaas kud aray “ Xukuumadani waxay muhiimad weyn u aragtaa in la horumariyo shaqaalaha, oo  aqoontiisana la kobciyo, muhiimadu maaha in daaro qurux badan iyo wadooyin la dhiso oo kaliya laakiin waa in la kobciyaa aqoonta shaqaalaha, maanta waa horumar weyn deeqdaas aynu helnay, waana markii ugu horaysay ee ay Somaliland Duulimaadyadeeda Madaniga ah dawladda Itoobiya gacan qabato, waxaan jecelahay inaa aad uga mahad celiyo masuulyiinta dawladda Itoobiya oo si weyn noo soo dhaweeyey, taasi oo aan daaraneyn mid shaqsiga, balse salka ku haysay xidhiidhka labada dal oo maraya halkiii ugu sareeyey, laba dal oo walaalo ah, saaxiib ah, daris ah, wax badna isla kaashada isuna baahan ayey nahay.”
 
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kale xusay in madaxda dawladdu marka ay dibada ku maqan yihiin ay leeyihiin masuuliyad isku mid ah waxaanu yidhi “ Madaxda dawlada dawlada itoobniya ee aanu is aragnay wax aka mida Wasiiru dalwna arrrimaha dibada, dabcan marka aan meel tagto ee aan masuul dawladeed ahay, waxaan matalayaa dawladda oo dhan, xilalku madaxda dawladda marna way u qabsan yihiin, marna way isug jiraan, xil wadared ayaa ka dhaxeeya marka meel la tago dawladda oo dhan ayaan matalayaa, markaas kulamadaasi weyn salka ku hayeen kor u qaadidai xidhiidhka labada dal. Madaxdii aan la kulmay ee dawladda Itoobiya waxay Somaliland u arkayeen inay wax badan qabsanatay, Xukuumadeeduna ay wax badan qabatay, waanay nagu bogaadiyeen, waxay u arkayeen in wax weyni ku soo kordhay maysinkan Duulista hawada, waxay qireen inuu  korukac weyn ka samaynay dhinaca Nabad galyada madaaradda, Somalilandna aanay ka dhicn wax laga shakiyo madaaaradooda aan lagu qaban, wax khtar ah oo halkan ka gudbay.” Waxa kale oo aanu is aragnay Safiir ku xigeenka dawladda Ingiirska u fadhiya itoobiya, waxaanu ka sheekaysanay horumarka wasaaraddu ay samaynay ee ay gacanta ka gaysteen, gaar ahaan isbadalka ay madaaradeena ku keeneen qalabka wax lagu baadho ee casriga ah, shaqaalaha iyo khibrada ay inagu caawiyeen, iyaguna aad ayey noogu bogaadiyeen horumarkaas, waxay aaminsan yihiin inay nahay  dad wax qabsaday.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply