Hargeysa (DAWAN)- Shil baabuur oo Sabtidii todobaadkan ka dhacay duleedka magaaladda Gabiley ayaa waxa ku geeriyooday laba qof, kuwaasi oo magacyadoodu kala ahaayeen marxuum Aadan Maxamed Cabdi iyo wiil yar oo toban bilood jiray oo uu dhalay. Gaadhigan sababay dhimashada labadan marxuum ayaa ahaa nooca loo yaqaan Tukhaanka, ka dib markii uu wadada ka baxay kuna dhacay geed jidka dhinaciisa ku yaala, kaasi oo sababtay dhimashada marxuum Aadan Maxamed Aw Cabdi iyo wiilkaasi sabiga ahaa ahaa halka uu dhaawac ka soo gaadhay 5 qof oo iskugu jira haween iyo rag. Marxuumka geeriyooday iyo ilmaha yar dhintay ayaa shalay lagu aasay magaaladda Hargeysa. Sabtidii todobaadkan oo ay ku beegnayd Ciidul Adxa ayaa waxa lagu tilmaamay inay ahayd Ciidii ugu shilka yarayd marka loo eego maalmaha Ciidaha oo inta badan ay dhici jireen shilalka baabuurtu.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office