Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur iyo Shan Kale Oo Ku Dhaawacmay

0
415

Hargeysa (DAWAN)- Shil baabuur oo  Sabtidii todobaadkan ka dhacay duleedka magaaladda Gabiley ayaa waxa ku geeriyooday laba qof, kuwaasi oo magacyadoodu kala ahaayeen  marxuum  Aadan Maxamed Cabdi iyo wiil  yar oo toban bilood jiray oo uu dhalay. Gaadhigan sababay dhimashada labadan  marxuum ayaa ahaa nooca loo yaqaan Tukhaanka,  ka dib markii uu wadada ka baxay kuna dhacay geed jidka  dhinaciisa ku yaala, kaasi oo sababtay dhimashada marxuum Aadan Maxamed Aw  Cabdi iyo wiilkaasi sabiga ahaa ahaa halka uu dhaawac ka soo gaadhay 5 qof oo iskugu jira haween iyo rag. Marxuumka geeriyooday iyo ilmaha yar dhintay   ayaa shalay lagu aasay magaaladda Hargeysa. Sabtidii todobaadkan oo ay ku beegnayd  Ciidul Adxa   ayaa waxa lagu tilmaamay inay ahayd Ciidii ugu shilka yarayd marka loo eego maalmaha  Ciidaha  oo inta  badan ay dhici jireen shilalka baabuurtu.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply