Afar Qof Oo Ku Dhaawacmay Dab Qabsaday Meheraddo Ganacsi iyo Bakhaaro Gubtay

0
421

Huluul (Dawan): Labba  qof ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay afar  bakhaar iyo hantidii taalayna way ku baaba’een ka dib markii  dab uu qabsaday tuullada Ceel Dibir ee ka tirsan degmadda Huluul ee gobolka Sanaag.Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Jimcaale Axmed C/laahi oo ka tirsan waayeelka tuuladda Ceel Dibir.
 
Waxa kale oo dabkan dhaawacyo fudud ka soo gaadheen ilaa toban qof oo kale. Goob joogahaasi  waxa uu xaqiijiyay oo kale in hanta  lagu qiyaasay soddon kun oo dollar  oo uu badnayd  Beeyo (foox)  ay ku baaba’day,  dabkan qabsaday  tuuladda Ceel Dibir. Jimcaale Axmed Cabdilaahi  waxa uu ugu baaqay maamulka wasaaradda caafimaadka ee degmadda Ceel Af-weyn inay u soo gurmadaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay dabkan si ay u daaweeyaan.
Dawannnews Hargeysa office

Leave a Reply