Maamulka Maroodi Jeex iyo Golaha deegaanka Hargeysa Oo Ku Fashilmay Wax ka qabashadda Iska Hor Imaadyadda Dhalinyaradda

0
429

Hargeysa (DAWAN): Maamulka gobolka Maroodi Jeex iyo golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan dhallinyaro koox koox ah oo xilliyada habeenkii iska hor imaad ku dhex marro xaafadaha  magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ku hubaysan faashash,  budhadh iyo tooriyo ay isku adeegsadaan.
 
iska hor imaadyadan  dhalinyaradda  ayaa kii u dambeeyay  waxa  uu ka dhacay degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa, waxaana dagaalkan  gacan ka hadalka ah uu sababay in dhaawacyo ay soo gaadheen qaar ka mid ah dhallinyaradan iska hor imaadyaddu dhex mareen oo  ka soo kala jeeda xaafadaha Calaamadaha iyo xidigta.
 
Wargeyska Dawan oo  u kuur galay  rabshadahan dhallinyaradda ee xaafad xaafad isku weeraraya, waxaanay   dad goob joog ka ahaa rabshadahan iyo iska hor imaadkan   dhex maray dhallinyaradani noo  sheegeen in khasaare ka soo gaadhay meheradaha ganacsi ee ku yaalla degmadaasi  oo ay boob u gaysteen.
 
Waxa kale oo dadka aanu  waraysanay ay noo sheegeen   in sidoo kale dhallinyaradani  dagaalantay ay  waxyeelo gaadhsiiyeen baabuur maraysay wadadda ka dib markii dhagaxaan ay isku shiidayeen dhalinyaradaasi ay ku dhaceen baabuurtaasi.
 
Maamulka gobolka Maroodi Jeex iyo golaha deegaanka Hargeysa oo  u xil ka saaran inay si joogto ah ula socdaan  Nabadgelyo ee caasimadda,   ayaa waxa ay indhaha ka qarsadeen dhallinyaradan rabshadaha iyo iska hor imaadka hubaysan  ka samaynaya xaafadaha magaaladda, taas oo ahayd in ay ciidamada booliska kala shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadgalyadda magaaladda, isla markaana ay isugu  hawli-lahaayeeeen heshiisiinta dhallinyaradan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply