Marwadda Koowaad Oo Ka Farxisay Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
436

Hargeysa (DAWAN)-Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la kafaallo qaado nolosha caruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarunta agoomaha Hargeysa, si aanay u dareemin kaalintii  waalidkii dhalay.
Marwo Aamina Waris ayaa sidaasi ka sheegtay hadal ay ka jeedisay xarunta agoomaha Hargeysa maalintii Sabtidii munaasibadda Ciidul Adxadda oo ay la ciiday caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo si weyn horumar u gaadhay afartii sanadood ee la soo dhaafay oo xukuumad iyo shiciba si weyn loogu gurmaday, iyadoo marwadda koowaadna ay xil weyn iska saartay gacan qabashada xaruntaasi iyo wax ka qabashada baahiyahoodu siday u kala xasaasisan yihiin.
“Waxaan u mahad naqayaa agaasimaha xaruntan iyo shaqaalaheeda, runtii caruurtan daryeelkooda waxay ka muuqataa ishooda, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cid kasta oo gacan siisa xaruntan,”ayay tidhi Marwadda koowaad ee Somaliland.
 
Marwo Aamina Waris, oo hadalkeeda sii watay waxay tidhi “Waxaynu caruurtan u muujinaynaa inay leeyihiin waalid oo qaranku xil iska saarayo si aanay u tabin kaalintii waalidkood oo ay waayeen.”
 
Marwadda Koowaad waxay u qaybisay kabo,cuntooyin iyo cabitaanno ay ugu tallo-gashay inay caruurta xarunta agoomuhu ku farxaan.
 
Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa marwadda madaxweyhaha ku bogaadisay siday joogtada ah ee ay uga war-hayso caruurta ku jirta xarumaha agoomaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley. Waxaanay tilmaantay inay marwaddu ciid walba la qaadato oo ay ka farxiso caruurta xarunta agoomaha Hargeysa.
 
Agaasimaha xarunta agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa sheegtay in xaaladda xarunta agoomaha Hargeysa ay aad u wanaagsan tahay nolasha caruurtu afartii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxaanay Marwo Aamina Waris uga mahad-celisay kaalinta weyn ee ay ugu jirto horumarinta daryeelka caruurta agoomaha Hargeysa.
Agaasimaha xarunta Hargeysa waxa kale oo ay u mahad celisay shirkadaha ganacsiga iyo muwaadiniinta sida joogtada ah  u kaalmeeya xaruntaasi.
 
Geesta kalena waxay isla Maalintii ciidii ee Sabtidii Todobaadkan marwaddu ay kormeertay qeybaha kala duwan ee xarunta agoomaha Hargeysa, halkaasi oo ay u dhabo-gashay sariiraha hurdada ee xarunta, isoodhada iyo goobaha ay ku ciyaaraan.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply