Prof. Samatar Oo Laba Qoddob Ku Soo Koobay Hindisaha Somaliland Ku Kasban Karto Aqoonsi Caalami ah

0
423

Washington-(Dawan)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoon-yahan weyn, ayaa xukuumadda u soo jeediyay tallooyin lagaga jibo keeni karo qaddiyada aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu tilmaamay inay u baahan tahay hawl weyn oo baaxad leh.
 
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in qaddiyada Somaliland aanay ahayn mid fudud, waxaanu ku dooday in loo baahan  yahay in la gole-geeyo oo juhdi badan iyo dhaqaale lagu riixo aqoonsi raadinta Somaliland.
 
“Somaliland qaddiyadeedu maaha mid ciyaar-ciyaar ku timid, waxa weeye mid aad u culus haddii laga dhabaynayo adduunyada in Somaliland garato inay tahay wadan gooni u taagan  oo taariikh cusub samaystay dee waxyaabo badan ayaa ku waajiba waxaana ka mid ah  1. in Somaliland si cilmiyaysan u dhisto doodeedu waxay tahay 2. inay doodaasi gacanta ugu jirto dad qaadi karaysa oo adduunyada garanaysa halka la gaynayo iyo sida loo gaynayo iyo xoolihii la gelinayay,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samaar,oo Idaacadda VOA-da uga waramayay waxa Somaliland ay ka dheefi karto aqoonsiga dawladda cusub ee Swedan ay ku aqoonsatay maamulka Falastiiniyiinta.
 
Prof. Samatar waxa uu intaasi ku kabay  “Waa olole culus ciyaar-ciyaar maaha in lagu aqoonsado oo dawlad cusub aad  noqoto oo ka qayb-gasha adduunyada dowladaha ka taagan shaqo culus weeye, markaa nidaamkii lagu galayay ee howshaa lagu keenayay waa in xukuumadda Somaliland ka soo baxdaa haddii aan taas laga soo bixinna, umalaymaayo inay u suurto-galayso inay adduunyadu aqoonsato.”
Mr. Samatar waxa uu sharaxaad ka bixiyay dawladda cusub ee Swedan iyo ahmiyadda ay u leedahay aqoonsiga ay maamulka falastiiniyiinta ku aqoonsatay. Ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Sweden Stevan Lofven uu jimcihii ku dhawaaqay in Falastiin ay tahay dal madax-banaan, dawladiisuna ay ula dhaqmayso sidii waddan xor ah.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply