Biyaha Badda Oo Dawo Laga Soo Saarayo!

0
368

Cilmi-baadhayaashan oo ay hogaaminayaan Culimo ka titsan jaamacadda ABRIDAYN ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa la sheegay inay badda gudaheeda ka soo saari doonaan maadooyin kiimikooyin ah oo aan wali lasoo saarin.
Waxaa uu sheegay madaxa kooxdan oo lagu magacaabo MARSEL JASBARIS isla markaana maadada Chemistry-ga ka dhiga jamacada ABRIDAYN, inay jiilka soo socda u soo saari doonaan dawo wax tar leh.
Daraasat ku saabsan cilmi baadhistan ayaa waxaa ay sheegaysaa in dawadan laga soo saari doono fogaan dhan ku dhawaad 6.8 mile ama 11 km oo biyaha hoostooda ah.
Waxa ayna  cilmi baadhista Shaacisay in uu sii socondoona baadhitaanka aya wado jaamacadu.
Sidoo kale, degmada San Diego ee gobolka California ayaa wadda qorshe lagu macaaneynayo biyaha badda. Qorshahan ayaa soo socday muddo 12 sano ah, waxana la filayaa in shaqadu dhamaato sannadka 2016ka.
Mashruucan oo laga hirgalinayo magaalada Carlsbad ee Countiga San Diego ayaa filaysa in dhaqaalaheedu uu kori doono marka mashruucan la dhameystiro.
Haddaba baahida markii horeba keentay in mashruucan in la hirgaliyo ayaa waxay ahayd in loo baahday in biyaha badda laga faa’iidaysto si dadku u helaan biyo ku filan oo ay ka hagar baxaan dhinaca biyaha oo nolosha meel muhiim ah kaga jira.
 
 

Leave a Reply