“Waxaan Madaxweynaha ku Bogaadinayaa in uu ka Fiirsaday kala Shaandhaynta Xubnaha Komishanka”

0
407

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka shaqadda iyo arrimaha bulshada Marwo Shugri Ismaaciil ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadisay lixda xubnood ee ka midka ah toddobadda  xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee uu u gudbiyay Golaha Wakiiladda.
Marwo Shugri Xariir oo xalay la soo xidhiidhay wargeyska DAWAN ayaa sheegtay in xubnahan   la gudbiyay ay yihiin qaar karti  u leh inay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Shugri Xariir, oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Lixda xubnood ee Komishanka doorashooyinka ee madaxweynuhu u gudbiyay golaha Wakiiladda,  waa xubno karti iyo aqoon leh  oo aan ku hambalyaynayo shaqada loo magacaabay.  waxaanan Illaahay uga baryayaa in xilka culus ee  loo magacaabay u fududeeyo, waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa in uu ka fiirsaday kala shaandhaynta xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”
 
Wasiirka ku xigeenku  waxa kale oo ay si gaar ah u amaantay Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo ay ku dooday inay tahay haweenay khibrad iyo aqoon u leh xilka loo magacaabay.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply