Kenyatta oo u Duulay Maxkamadda Caalamiga ah

0
373

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u kicitimay shalay  maxkamadda dambiyada adduunka, kaddib markii garsoorayaasha ay ka codsadeen inuu hor yimaada.
Waxaa uu xilkii madaxweynenimo ku sii wareejiyay madaxeynekuxigeenkiisa William Rutto, si uu u sii hayo xafiiska inta uu maqan yahay.
Waxa uu sheegay inuu sidaa u yeelay isaga oo dhawraya sharafta dalkiisa inuu hor tegayo maxkamadda isaga oo shaqsi caadi ah.
Waxaa laga doonayaa inuu hortego maxkamadda 8 October, oo ah Arbacada manta ah.
Uhru Kenyayya ayaa loo haystaa dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay ee xigay doorashoyinkii 2007-da.
Balse madaxweyne Uhuru waa uu beeniyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Leave a Reply