Tartanka madaxtinimada Barazil ayaa galaysa wareeg labaad oo loogu tartamayo Madaxweynenimada dalkaasi kadib markii natiijadii ay gaadhi wayday tiradii loo baahnaa ee guusha.
Madaxweynaha xilka haysa Dilma Rousseff ayaa doorashadii Axadii heshay 42% cod, halka uu ninka ku soo xigay oo ahaa Aecio Neves, uu ka helay 34%.
Musharaxii saddexaad oo ahaa haweenayda caanka ku ah ololeynta deegaanka
Marina Silva ayaa iyana heshay 21% inkasta oo ay markii hore dardar lahayd haddana haatan hawada ayay ka baxday.
Wareega labaad ayaa la qabanayaa 26 Oktoobar.
Waxa la saadaalinayaa in tartanku noqon doono mid adag.