Turkiga oo Sheegay inaan Duqeyn kaliya lagu jabin Karin Daacish

0
400

Madaxweynaha Turkey-ga, Recep Tayyib Erdogan, ayaa ka digay in magaalada Kobane ee dalka Suuriya ee ku taalla xudduuda Turkiga ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho dagaalyahanada kooxda Dowladda Islaamiga, magaaladaasi oo todobaadyo go’doonsanayd.
Isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka, ayaa ku qaaday ugu yaraan shan duqeyn oo dhanka cirka ah goobo u dhaw dhaw magaalada oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ah, weerraradaasi oo waxyeelo gaadhsiiyay ama burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah.
Hasayeeshee madaxweyne Erdogan, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah oo kaliya aanan lagu jabin karin kooxda IS.
Dhanka kale dibadbaxayaal Kurdiyiin ah ayaa dalbanayay tallaaba xooggan oo caalami ah oo lagu badbaadinayo magaalada Kobane.
Waddanka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa habeen hore  waxa ay isku dhaceen booliska dhowr magaalo oo dalkaasi ka tirsan, dadkaasina waxa ay dalbanayeen in dowladda Turkiga ay gacan siiso xooggaga Kurdiyiinta ah ee la dagaalamayo kooxda IS.
Kooxo kale oo Kurdiyiin ah oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay Baarlamanka Yurub ee magaalada Brussels, iyagoo dalbanaya tallaabo xooggan oo caalami ah.
Sidoo kale waxa ay dibadbaxyo ka jiraan garoonka ugu weyn Britain, ee Heathrow.
Dhinaca kale dagaal ayaaka socda waddooyinka Magaalada Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ee Kobane, xilli dagaalyahanada kooxda khilaafada islaamiga ay gudaha u galeen magaaladaasi kaddib saddex usbuuc oo ay ku hareereysnaayeen magaaladaasi.
Asya Cabdullahi oo ka tirsan saraakiisha Kurdiyiinta oo ku sugan gudaha magaalada ayaa BBC-da u sheegtay in dagaal uu ka socdo saddex degmo oo magaaladaasi ka tirsan kaddib markii ay kooxdaasi calankooda ka taageen bariga magaalada.
Waxa ay ku eedeysay kooxda khilaafada islaamiga in ay adeegsanayaan hub aad u culus, waxa ayna ka digtay in halkaasi uu xasuuq ka dhici karo haddii xoogagga uu mareykanka hor kacayo aysan duqeymo halkaasi ka geysan.
 
Gawaadhida gurmadka iyo kuwo kale oo xamuul ah ayaa la arkayay iyaga oo u daabulaya boqolaal qof oo rayid ah iyo dagaalyahanno dhaawac ah meel ka baxsan magaalada oo dhanka xudduudda Turkiga ah.

Leave a Reply