Faa’iidada Caafimaad Shaaha Cagaaran

0
1509

Siddeedaba sida aynu ka daalacanay Reports badan oo Caafimaadka la xidhiidha beryahan dambe waxaa la ogaaday in Shaahu guud ahaan leeyahay faa’iidooyin aad u fara badan oo daruuri u ah Jidhka Bini Aadamka taas oo ka gedisan Reports kii hore oo lagu sheegi jiray in Shaahu wax yeelo u leeyahay Jidhka Bani Aadamka
Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah Maalin walba ayaa waxa ku sugan faa’iidooyin fara badan
Waxay yidhaahdeen Khubaro Britain ah oo baadhitaan ku samayay Caleenta Shaaha inaad cabto Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah Maalin walba ama ka badan waxay u keenaysaa Nafta isla faa’iidada ay u keento inuu Qofku cabo Qadara badan oo Biya ah iyo weliba faa’iidooyin kale sida inuu ka ilaaliyo Jidhka dhibta Wadna Istaaga (Heart Attack)iyo qaar ka mid ah noocyada Kudka(Cancer),Baadhitaankan waxaa lagu beeniyay Ictiqaad hore oo aad loo aaminsanaa oo ah in Shaahu uu keeno in uu hoos u dhaco Dheecaanka (Liquid) ka Jidka ku jira.
Waxayna u arkaan Culimadu in Maadad ku jirta Caleenta Shaaha ee Flavonids uu yahay Masuulka aasaasiga ah ee faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay,waxa kaloo ku jira Caleenta Shaaha Madooyin kale uu Baadhitaanku cadayay in ay ka qayb qaataan ka ilaalinta Cells ka Jidka inuu telfo,waxayna ka heleen Kooxdan Baadhayaasha ahi daliila Cilmi ah oo cad in cabitaanka Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah Maalin walba ay tahay suura gal in ay yarayso Suura galka ah inuu Qofku qaado Wadna xanuun keena Wadnaha oo istaaga.
Waxay kaloo tilmaamtay Diraasadanu in cabtaanka Shaahu uu yarayo fursadaha ah in Qofku qaado Xanuunka Kudka (Cancer)hase yeeshee arintan iyaduna wanaagsan ee Shaahu leeyahay way ka yara daliil yartahay Cilmi ahaan arinta hore ee Wadna Xanuunka.
Dhakhtarad u Madax ahayd Kooxda baadhitaankan samaysay baa waxay tidhi cabitaanka Shaahu waa ka mudan yahay cabitaanka Biyaha waayo Biyuhu waxay kordhiyaan oo bedelaan Dheecaanka (Liquids)Jidka Shaahuna sidoo kale ayuu u bedelaa Dheecaanka Jidka wuxuuna dheer yahay faa’iidooyinka aan soo xusnay.
Waxayna diiday Dhakhtaradu Fikradii hore aadka loogu haystay ee ahayd inuu Shaahu qalajiyo Jidka,waxayna tidhi Dirasado lagu samayay Maadada Coffayin waxay muujisay in hadii la cabo Qadar aad u badan oo iyada ah uu yaraynaayo Dheecaanka Jidka hase yeeshee waxay u aragtaa in aan taas ku dabaqmayn cabitaanka Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah.
waxana tilmaam mudan in Diraasado hore cadayeen in Shaahu Carqaladayo nuugista Jidka ee Iron ka markaa taas waxa weeye macnaheedu in Dadka qaba Xanuunka Anemia ha ay ka fogaadaan cabida Shaaha markay Cuntada cunaan dabadeed si toos ah.
Shaaha Cagaaran
Iyada oo Shaahu guud ahaan uu leeyahay faa’iidooyinka aan soo xusnay ayaa hadana waxa lagu tilmaamay noocan cagaaran Khasnad Caafimaad faa’iidooyinka balaadhan ee uu leeyahay awgeed.
Waxa lagu ogaaday Diraasado Cilmi baadhis cusub ah dhowaan in Shaaha cagaarani leeyahay faa’iidooyin wayn oo ilaalinaya Caafimaadka waxaana ka mid ah kuwan:
1-Shaaha cagaaran wuxuu saacidaa in ay yaraato heerka Protien ka Xaydha ah ee loo yaqaano Cholestrol ka ee xun markaas wuxuu kaa ilaaliyaa inaad qaado Xanuunada Wadnaha iyo Sanbabada
2-wuxuu aad hodon ugu yahay Maadadaha ka ilaaliya Jidhka Xanuunada guud ahaan
3-mida ugu xooga badan Maadadahaa oo loo yaqaano EGCG taas oo ka caawisa Jidhka inuu iska ilaaliyo wax yeelada kaga imanaysa Shucaaca Qoraxda iyo noocya kala gedisan oo ka mid ah Kudka (Cancer)
4-wuxuu kale oo ka ilaaliyaa Jidhka hadii la mariyo Dubka Dildilaaca iyo inay kala qaybsanto Cells ka aan caadiga ahayn kaas oo soo baxa sababta Kulka Qoraxda ee dhibta leh
5-wuxuu midab u yeelaa Ilkaha hase yeeshee wuxuu ka ilaaliyaa Suuska waayo waxa ku jira Maadada la yidhaahdo Floride wuxuuna ilaaliyaa Ciridka wuxuuna la dagaalama Becteria da dhibta leh iyo weliba wuxuu la dagaalamaa urta neefsiga ee la karahsado
6-wuxuu wanaajiyaa shaqada Kelyaha wuxuu ka ilaaliyaa Fashilka Kelyaha wuxuuna nadaamiyaa Dhaqdhaqaaqa Caloosha
7-wuxuu ka ilaaliyaa Maskaxda shooga wuxuuna hagaajiyaa Xusuusta iyo u Fiirsiga iyo Garashada
8-wuxuu la dagaalamaa inay Sonkortu kor u kacdo wuxuuna kaa caawiyaa dhimista Miisaanka hadaad cabtid Cuntada dabadeeda

Leave a Reply