Madaxweyne Siilaanyo Oo Markab Dagaal Ku Soo Dul Gabo-gabeeyay Tababarkii Saddexaad Ee Royal Marines-ka Ingiriisku Siiyaan Ciidanka Xeebaha Somaliland

0
386

Berbera (Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  tababar heerkiisu sareeyo ugu soo gabo-gabeeyay cutub ka tirsan ciidammadda ilaaladda xeebaha  markab dagaal oo ciidammadda Ingiriisku leeyihiin oo la yidhaahdo CARDIGAN BAY dushiisa. Ciidamadaasi  oo tababar lagu siiyay naakhuudenimadda doonyaha dagaalka iyo guud ahaan ilaalada xeebaha oo ay bixinayeen sarkiil British ah oo saarnaa markabkaasi.
Tababarkan oo socday muddo laba toddobaad ah waa markii saddexaad ee ciidammadda badaha ee Ingiriisku ay siiyaan ciidammadda xeebaha Somaliland, waxaana madaxweynaha kala qeyb galay xafladaasi Wasiirrada Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, marwadda koowaad,  maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, Taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida. Waxa dawladda Ingiriiskana ka socday saraakiil ka tirsan ciidammadda xeebaha iyo danjiraha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo isagu shalay socdaal ku yimid Hargeysa. Madaxweyne Axmed  Siilaanyo oo qado sharaf loogu sameeyay markabkaas dushiisa  ayaa waxaa  halkaasi ku soo dhaweeyay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi   ee dalka Kenya Ambassador Neil Wigan.
 
Madaxweynaha Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa  ugu mahad-naqay dawladda Ingiriiska tababarkan ay siiyeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxaanu  tilmaamay in cilaaqaad wanaagsani ka dhaxeeyo Somaliland iyo Ingiriiska. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan uga mahadnaqaynaa madaxda markabkan iyo sSafiirka i tababarka ay siiyaan ciidankeena ilaalinta nabadgalyo ee xeebaha. Cilaaqaad wanaagsan ayaa naga dhexeeya  Ingiriiska iyo taariikh badan oo ina dhex taalla, waxaanu jecel-nahay in xidhiidhkaasi sii kordho oo sii waynaado maalinba maalinta ka danbaysa uu  sii kordho oo wax-tar weyn inoo noqon kara,  labada dhinac ee Somaliland  iyo Ingiriiska, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo tababarkani kii wax inoo tara. Mar kale waxaan mahadnaq balaadhan ujeedinayaa  madaxda markabkan iyo safaaradda Ingiriiska, waxaanan leeyahay soo dhawaadda.”
 
Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka ilaadda xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda  guud ee ciidanka ilaaladda xeebaha iyo tababarkan ay qaateen ciidamaddani, waxaanu  yidhi “Muddane Madaxweyne waxa farxad weyn noo ah  maanta (shalay) ciidanka ilaalada xeebaha ahaan in aad nagala soo qaybgashid  xidhitaanka tababarada sanadlaha ah ee ay ina siiyaan ciidamadda ka tirsan dalka Ingiriiska ee Royal Marines-ka loo yaqaano,  ee saaran markab la yidhaahdo Cardigan Bay,   waa sanadkii saddexaad ee tababar ina  siiyaan,  waa tababarro  madaxweyne kula kowsaday oo aan kaa horaynin  oo ku yimid siyaasadda xukuumiga ah ee ku waajahan dhismaha ciidanka ilaaladda xeebaha,  aad baanad ugu mahadsan tahay munaasibaddan aad nagala soo qayb gashay.”
 
Geesta kalena waxa isaguna halkaasi ka hadlay Danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Neil Wigan oo sheegay inay dawladiisu sii joogtaynayso dhaqaalaha ay ku taageerto Somaliland isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland iyo Ingiriisku ay mar walba kor u sii qaadaan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga u dhaxeeya.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply