Usterliya: Nin Dilay Gabadhiisa Oo Hilibkeedana Kariyay

0
442

Booliiska Dalka Usterliya ayaa khasab ku furay  qol  ku yaalay dabaqa sare iyagoo doonaya inay xaqiijiyaan warar ka soo gaadhay  gurigaasi.
Booliiska ayaa qolkaasi  ka helay hadhaagii mayd banii’aadam oo lagu kariyay biyo kulul.   Dadka jaarka ah ayaa booliiska gaadhsiiyay warkani ka dib markii ay dareemeen ur ay aad u necebaysteen oo laga dareemayay gurigaasi.  Booliiska ayaa sheegay inay ka heleen gobolo jidh banii’aadam ah oo lagu kariyay biyo kulul.
Waxa kale oo ay booliisku qireen in hadhaag maydkani uu yahay qof dumar ah.  Iyadoo markii  danbe la ogaaday inay gabadhani ahayd Indonisiyan uu qabay ninka qolka ku jiray. Waxaana la filayaa in markii uu dilay hilibkeeda ku kariyay biyaha kulul oo ku jiray laydhka guriga. Ninka falka geystay ayaa ahaa 27 jir. Waxaana booliisku cadeeyeen  in maydkiisa laga helay meel inyar u jirta gurigan, ka dib markii uu isaguna is dilay. (Alyoum).

Leave a Reply