Xubintii Shaandhaddu Ka Reebtay Komishanka Oo Qiray Inuu Ahaa Xisbiyahan Xeelad Isku Casilay

0
711

Hargeysa (DAWAN)- Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ahaa xubintii xisbiga WADDANI u magacaabeen komishanka doorashooyinka ee madaxweynuhu labada jeer dib u soo celiyay, ayaa qiray inuu ahaa xisbi-yahan xil weyn ka hayay WADDANI oo xeelad isku casilay markii la isla qaatay in la dhiso komishanka cusub ee doorashooyinka qaranka.
 
Dr. Maxamed Cismaan  Fadal, ayaa shalay qiray inuu ahaa xisbi-yahan xil weyn ka hayay WADDANI, waxaanu yidhi “Xisbiga WADDANI  waxay xubinta komishanka doorashooyinka iigu magacaabeen hawl ay u arkayeen inaan khibrad badan iyo aqoon badan u leeyahay  oo aan muddo badan ka soo shaqaynayay  dadkuna igu yaqaaneen inaan muddo dheer ka soo shaqaynayay dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo hawlaheeda doorashooyinka. Aniguna waxaan u arkayay inay dalkeenan yar ee dhismaya ay hawl muhiim ah tahay inaynu iska saxno doorashooyinka oo ay ka saxanto Hay’adda komishanka doorashooyinka inay hawshu tahay arrin halbowle ah ayaan u aqbalay arrintaasi. Waxaanan u arkaa inaan cadaalad iyo kartiba u yeelan lahaa.sharcigana si aan u waafajiyo xilkii xisbiga waan iska casilay, waxaan ahay qofkii ugu horeeyay ee warbaahinta aad ka maqasheen inuu iska casilay xilkii xisbiga. Mar haddii aan xilkii iska casilayna waxaan ahaa qof dhex-dhexaad ah oo Hay’adaasi shuruucdeeda u hoggaansamaya ayaan ahaa.”
“Sabab Allaale sabab la igu soo celiyo, iyadoo madaxweynuhuna uu ahaa nin  aanu soo wada shaqaynay markii uu mucaaridka ahaa oo aanu dalkan dhismihiisa iyo dumuqraadiyadiisa ka soo wada shaqaynaynay ayuu ahaa, inuu I soo celiyo aniga waxay iila eg tahay inaanay gar ahayn oo ay qayrul sharci tahay,”ayuu yidhi Dr. Fadal oo xalay  u waramayay Telefishanka Bulsho TV.
Dhinaca kalena, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Isniintii Todobaadkan waxa uu mar labaad dib ugu celiyay xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ay u soo magacaabeen inuu noqdo xubin ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa uu ku sababeeyay dib u celinta xubintaasi inuu  buuxin waayay  shuruudihii xeerka doorashadda ee Xeer No:20/2001 uu dhigayay in lagu soo xulo xubnaha Komishanka doorashooyinka.
Haddaba, waxa is weydiin mudan sababta xisbiga WADDANI ku aj-burtay inay siyaasi weyn oo xil sare ka hayay xisbigooda oo maalmo uun ka hor xeelad siyaasadeed isku casilay ay ugu soo magacaabeen xubintii Komishanka ee xisbigaasi soo xulayay. Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxa uu ahaa Xoghayihii arrimaha dibadda ee WADDANI,waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiinta la ologa ah Guddoomiyaha WADDANI ee saamaynta weyn ku leh jaan-goynta siyaasadda xisbigaasi. Waxase rayul caamka bulshada intooda badan liqi kari weyday iyadoo Guddoomiyaha WADDANI uu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee qaranka u qaabilsan dejinta shuruucda waxa kalifay inuu komishanka u soo magacaabo nin  uu ka dheregsan yahay inaanu buuxinaynin shuruudihii looga baahnaa xubnaha Komishanka doorashooyinka. Waxaanse u dhaafaynaa qasdiga arrintaasi laga lahaa akhristeyaasha sharafta leh ee xog ogaalka ah.
Waxase ka sii daran markii Madaxweynuhu judhiiba  dib ugu soo celiyay sababta uu mar labaad dib ugu soo celiyay madaxweynaha in siyaasigaasi lagu darro xubnaha Komishanka doorashooyinka.iyadoo dad badan aaminsan yihiin in xubinta Komishanka ee shaandhadu qabatay ay xisbiga WADDANI uga gol leeyihiin inay ku abuuraan khilaafaad madhalays ah oo dadweynaha lagu marin habaabinayo.
Dadka odorosa siyaasaddu waxay ku doodayaan in isku celcelinta xubintani ay tahay mid wakhti lumis ah oo aanay dalka wax faa’iido ahi ugu jirin, waxaanay dadka fikirkaas qabaa ku doodayaan inaanay sumcadda Somaliland u wanaagsanayn in xubnaha Guddida doorashooyinka lagu dhex arko siyaasiyiin kaalin ku leh saaxadda siyaasadda taasina ay hoos u dhigayso hufnaan iyo dhexdhexaadnimadda la doonayo inay ku hawl-galaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ee cusub oo ay hortaallo hawlo waaweyn oo baaxad leh oo ay ka mid yihiin inay dalka ka hirgelinayaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo inay badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ay wadanka ka qabtaan doorashooyinka la isa saaray ee Baarlamaanka iyo madaxweynaha.
 
 
Si kastaba arrintu ha noqotee waxa qoraalkii uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Xisbiga WADDANI, uu ku booriyay Guddoomiye C/Raxmaan Cirro inuu soo magacaabo  muwaadin  kale oo aan ahayn kan uu labada jeer dib loo soo celiyay oo buuxin kara shuruudaha xeerka doorashaddu jideeyay, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Ujeeddo Madaxweye: Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka
Mudane Guddoomiye,Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.
Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.
Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay.”
 
Geesta kalena, waxa Madaxweynaha Somaliland uu habeen hore shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda xubnood ee kale oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo magacaabay, laba Golaha Guurtidu soo magacaabeen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo xulay, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014, Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.
Mudanayaal,Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.
 
Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.
 
Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-
 
 
 
Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:
1.     Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.
2.     Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.
3.     Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.
 
Labada Xubood ee Golaha Guurtida:
 
1.     Mudane, Siciid Cali Muuse.
2.     Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.
 
Xubinta Xisbi UCID:
 
1.     Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.
Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.”
 
 
Ugu  dambayn Xisbiga WADDANI ayaa looga fadhiyaa inuu ka tanaasulo siyaasadda muranka ku salaysan oo ay ixtiraamaan shuruucda dalka oo ay soo xulaan muwaadin aan siyaasadda ku lug lahayn, iyadoo ay jiraan tuhunno badan oo xisbiga WADDANI doonayo inuu carqaladeeyo dhaqdhaqaaqyadda loogu diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply