Dooxa Dacar-budhuq Oo Hal Qof iyo Baabuur La Tegay Halka Nin Kalena Laga Soo Bad-baadiyay

0
389

Hargaysa (DAwan): Hal qof ayaan raq iyo ruux toona lahayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay halka mid kalena laga badbaadiyay ka dib markii uu Daad la tegay gaadhigii  ay wateen dooxa Dacar Budhuq ee barriga Hargaysa.
sida uu warbaahinta u xaqiijiyay madaxa xogta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland C/laahi Cabdi Yuusuf.
Gaadhigan oo ahaa sida la sheegay nooca loo yaqaan Land cruiser oo ay wateen labadan  nin oo  isku qoys ahaa ayaa sida la soo weriyay baabuurkii ay wateen waxa uu ka galay dooxa Dacar-budhuq  oo xiligaasi ay biyo badani ka rogmanayeen.
 
Waxaana  daadkaasi  laga soo badbaadiyay Axmed Xuseen Samatar, halka aan ilaa hadda  raq iyo ruux midnaba  lahaynin  Nuux Ismaaciil Samatar, oo ahaa wadihii gaadhigaasi uu daadku la tegay, isla markaana la sheegay in ay ilma-adeer ahaayeen ninka kale ee la soo bad-baadiyay.
 
Ninkan la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in  lagu daawaynayo  cisbitaalka degmadda Abdaal, iyada oo halkaasi lagaga daawaynayo dhaawacyo kala duwan oo ay soo gaadhsiiyeen biyaha daadka ee qaaday.
Dooxa Dacar-budhuq iyo sidoo kale dooxyadda kala duwan ee dalka   ayaa inta badan sababa khasaare iskugu jira mood iyo nool xiliyadda ay roobabku da’aan ee uu daadku soo rogmaddo.
waxaana  inta badan eeda arrintaasi ama masuuliyadeedda dusha loo saaraa   wadeyaasha baabuurta  oo aan  xil iska saarin  badbaadinta nafaha ay sidaan, isla markaana ay ka joogsadaan xiliyada ay dooxyadda biyaha aadka u weyni marayaan.
By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply