Hargeysa: Laba Qof Oo Loo Xidhay Inay Min Laba Jeer Qaadanayeen Kaadhka Jinsiyadda

0
416

Hargeysa (Dawan):  Agaasimaha waaxda xidhiidhka goboladda iyo degmooyinka  wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliand Cali Xasan Cawaalle, ahna kormeeraha goobaha diiwaan-gelinta madaniga ah ee degmooyinka Axmed dhagax, Maxamuud Haybe, 31-ka May iyo  Maxamed Mooge, ayaa shalay noo  xaqiijiyay in ay qabteen laba dhalinyarro ah oo lagu helay inay min laba jeer iska diiwaan-geliyaan goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta madaniga ah ee caasimadda Hargeysa.
 
 
Cali Xasan Cawaale, oo shalay  weriyeyaal ka tirsan DAWAN, kula kulmeen mid ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta madaniga ahi ka socotay oo uu xiligaasi kormeer ku samaynayay, ayaa mar aanu wax ka weydiinay siday hawshu u socoto, waxa uu sheegay in la qabtay labadaas qof ee isku dayay inay laba jeer is diiwaan geliyaan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Diiwaangelinta madaniga ah waa  shaqo  u baahan taxadar badan oo ah  in qofka la hubiyo, waxaanu  imika  aanu  gacanta ku dhignay labadii qof ee u horeeyay ee laba jeer is-diiwaangaliya,  oo qalabkan aanu ku shaqaynayno oo ah qalab   isku xidhan,  oo xidhiidh ka dhexeeyo  (Network) leh oo qofkii mar is diiwaangeliyay-ba  sheegaya, labadda qof ee aanu qabanay waxay imika ku xidhan yihiin  saldhiga Booliska ee Qudhac-dheer, waxaana  kiiskooda loo gudbinayaa gudidda diiwaan-gelinta  oo go’aanka gaadhi doonta.  diiwaangelintani diiwaangelimihii hore la mid ma aha oo waa mid uu qaranku maal-galiyay oo cashuurtoodii lagu bixiyay.”
Waxa kale oo uu sheegay in si weyn loo adkeeyay nidaamka diiwaan-gelinta oo si fudud loo qaban karo qofka mar wax ka badan isku daya inuu is diiwaan-geliyo.
 
Agaasimaha oo aanu weydiinay siday goobaha uu kormeeray uga socoto diiwaan-gelinta iyo dadku siday ugu soo baxeen, waxa uu yidhi   “Goobahaasi  aanu    kormeerka ku samaynay ee  noogu timaadeen,  si fiican ayay diiwaangelinta uga  socotaa, maalmahan si fiican ayay dadku u yimaadaan, goob walba waxa yaalla  laba agab oo dhamaystiran (Kits)  oo muwaadiniinta lagu diiwaan-gelinayo, taasi oo dadka u fududaysay in si bilaa buuq ah loo diiwaan-geliyo.  waxaana uu qorshuhu yahay in muwaadiniinta loo fududeeyo qaadashadda  kaadhka dhalashadda, waxaanan odhan karaa goobahaas  aan soo kormeeray si fiican oo boqolkiiba boqol ah ayay uga socotaa,   maalinba maalinta ka dambaysa dadku way soo kordhayaan oo marka aanu eegno inta maalin  walba is-diiwaangelisa aad ayay u soo badanayaan, habeen kastana u soo kordhayaan.”
 
 
“Qalabka wax lagu diiwaan-gelinayaanna waa qalab uu qaranku leeyahay, waana markii koowaad ee dawlada Somaliland qabato  iskeed diiwaan-gelin muwaadiniinteeda, mana aha mid waligeed joogsanaysa ee way soconaysaa. Inta imika loo cayimayna waa bilaash, wixii intaa ka danbeeyana  Dawladaha Hoose ee dalka ayaa la wareegi doona oo lacag baa la iska qaadi doonaa,”ayuu yidhi Agaasimaha waaxda siyaasadda iyo goboladda ee wasaaradda daakhiligu, waxaanu intaasi ku daray “Diiwaangelintu waa shaqo balaadhan oo socota habeen iyo maalinba waanu shaqaynaa waa nagaa   goobaha  kormeerayna  iyo dhammaan gudiyadda qaranka u wada hawshaasi  intaa  waanu wadnaa,  dhammaanba waxaan odhan karaa haddii ay wacyigelin tahay  iyo haddii ay shaqo socod siin  tahay-ba  si fiican  ayay u socotaa, waana shaqo bilow ah oo waxa ay gabigeeduba socotay tobaneeyo  cisho, shaqaalaha goobaha noo joogaana si fiican  ayay ula qabsadeen,  oo imika wakhti kooban ayay dadka ku diiwaan-geliyaan.”
Cali Xasan Cawaalle waxa uu ugu baaqay shacbiga ku dhaqan caasimadda inay isdiiwaan-geliyaan si ay u helaan kaadhka jinsiyadda oo uu tilmaamay inuu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka iyo muwaadiniintaba.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in tallaabo adag laga qaadi doono qofkii lagu qabto isagoo hal mar wax ka badan is-diiwaan-gelinaya.
By: Idiris M. Xasan

Leave a Reply