“Somaliland iyo Ingriiska Xidhiidhkoodu Waa Mid Dumblamasiyadeed Oo Ku Dhisan Taariikh Dheer”

0
412

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Boqortooyadda Ingiriisku uu yahay mid dublamaasiyadeed oo ku dhisan taariikh qoto dheer oo labada dal wadaagaan. Sidaasna waxa Wasiir Xirsi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay mareegtiisa Internetka ee guusha.com, waxaanu kaga hadlay Booqashadii madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Berbera iyo tababarkii uu u soo xidhay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo muddo tababar sare ay siinayeen ciidanka xeebaha ee Ingiriisku, waxaanu Wasiirku kaga hadlay wax wada qabsiga labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, waxaanu yidhi  “Waxay ahayd  subaxnimadii Salaasadii kadib markii Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ay wehelinayaan Xubno ka mida Golaha Wasiirrada iyo Laamaha kala duwan ee Amaanku aan safar ku tegnay Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera
Safarkan ayaa sidoo waxaa nagu wehelinayey Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo dawlada aan jaarka nahay ee Somalia iyo masuuliyiin kale. Ujeedada Safarkan ayaa ahayd in Madaxweynuhu ugu soo xidho cutubyo ka mida Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland tobabar ku aadan kor-u-qaadida ilaalada Xeebaha oo mudooyinkii u dambeeyey ka socday markab magaciisa la yidhaa Cardigan Bay oo ay leeyihiin Ciidamada Illaalada Xeebaha Ingriisku ka soo ku sugnaa Xeebta Dalkeenna Somaliland.Tobobarkan ayaa noqon doono mid wax badan u tari doona Ciidamada Illaalada Xeebaha ee awalba Tayada badnaa kuwaas oo si hufan uga ilaashay Badaha Somaliland dhaqdhaqaaq walba oo Budhcad badeednimo, waana kaalin ay amaan iyo sharaf ku mudan yihiin. Maaha markii u horaysay ee Ciidanka Illaalada Xeebaha Boqortooyada Ingriisku ay Tobobar noocan oo kale ah siiyaan Ciidankeena Badda waanan uga mahadcelinaynaa taageerada iyo tobabarada qiimaha badan ee ay siiyaan laamaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.Safarkan ayaa sidoo kale muujinayaa adkaanta xidhiidhka Dumblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingriiska isla markaana fariin u diraya dalalka kale ee dunidu in ay gacan ka gaystaan horumarka dhinacyada kala duwan ee Somaliland Wa Bilaahi Tawfiiq.”
 
By: Cumar M.Faarax

Leave a Reply