Xukuumadda Oo Laban-laabtay Kharashkii Xurumaha Agoomaha Ugu Jiray Miisaaniyadda

0
418

By: Cumar M.Faarax
Gabiley (DAWAN)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/Casiis Maxamed Samaalle ayaa shaaca ka qaaday inuu  miisaaniyadda 2015-ka kharashkii xarumaha agoomaha la laban-laabay.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu  shalay kormeer ku soo maray xarunta agoomaha  iyo jeelka magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.
Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayay ahmiyadda ay leedahay in la taakuleeyo agoomaha waxa uu yidhi “Agoonta cida wax siisa,cida u shaqaysa iyo cida waxtartaba wuu ammaanay Rasuulkeenu NNKHA, Rasuulkeenu isagaaba ku soo koray agoonimo oo qiimaha agoonimadda uu u garanayay. Xarumaha agoomaha Hargeysa, Gabiley iyo Boorame miisaaniyadda 2015-ka si gaar ah ayaan u geliyay, inkasta oo ay soo marayso wasaaradda waxbarashadda, kharashka xarumaha agoomaha laban laab ayaan uga dhigay sannadka soo socda.”
“Aad iyo  aad ayaan ugu faraxsan nahay  inaan soo booqdo jeelka Gabiley, jeelasha waxaynu u samaysanay in dadka dambiga leh lagu xidho, haddii kale qofku waxa uu doonno ayuu samaynayaa. Waa in sharci uu qofku ka baqaa jiraa, waxa jeelasha ina faraysa cadaaladda lafteedii, markaa baahida aad ii sheegteen, dalkeenna meel walba baahi ayaa taalla. Haynteenna  iyo baahideenuna mar walba way kala badan tahay oo baahidii qaranka ayaa ka badan wixii la hayay. Miisaaniyaddii 2015-ka waa la sameeyay oo lama gelin jeelka Gabiley, laakiin wixii aanu idiin qaban karno waanu idiin qabanaynaa, gaar ahaan afartaas qol ee siliiga u baahan  annaga ayaa samaynaynaa,”ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Samaalle.
Geesta kalena Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Mustafe  Cabdi Ciise (Shiine) iyo masuuliyiinta jeelka iyo xarunta agoomaha Gabiley ayaa Wasiir Samaalle uga mahad celiyay kormeerka uu ku soo maray oo ay sheegeen inay wax ka tarayso dhinaca ka war-haynta xarumahaasi si mustaqbalka kharash loogu darro miisaaniyadda qaranka.
 

Leave a Reply