Shirkadda Canoon Oo Soo Saartay Kamarad Cusub Oo Ay Kusoo Kordhisay Adeegyo Cusub

0
376

Shirkadda Canon Middle East ayaa ku dhawaaqday inay soo saartay kamarad cusub oo ah nooca jeebka lagu qaato ,iyada oo aad uga yar kuwii hore ay usoo saari jirtay,waxaanay intaas dheertay tayo badan iyo dib u habayn ay sheegeen masuuliyiinta shirkaddasi inay kusoo kordhiyeen kamaradaasi cusub ee ay soo saareen.
Kamaradan cusub ayaa ah mid loo bixiyey magac cusub oo ah Mini Shot,taas oo sawiro aad u fiican qaadaysa siday masuuliyiintu sheegeen,waxaanay sheegeen inay kamaradani u fiican tahay dadka doonaaya inay sida deg dega ah sawiro u qaadaan.
Kamaradan ayaa ah mid wadata waxay ku magcaabeen Premium G oo ah mid ay si casri ah u sameeyeen shirkadaasi,taas oo sidoo kalena ka hortegaysa falaadhaha cadceeda ee waxyeelada u geysan kara sawirka marka la galo.
Waxa kale oo ay sheegeen inay kamaradani tahay mid xaga sare ku leh Screen ,kaas oo laga dhex arki karaayo sawirka marka layska qaadaayo,waxaanay taasi fududaynaysaa in qofku keligii iska qaado iyo inay dad badani iyaga oo is arkaaya iska qaadaan.
Kambaniga ayaa sheegay sidoo kale inuu doonaayo inuu kusoo daro waxyaalo kale oo cusub,kuwaas oo dheeraad ku noqon doona,iminkana ay tani noqon doonto mid tijaabo ah,iyaga oo sheegay inay ururin doonaan waxyaalaha kazoo noqda kamaradaasi.
“shirkaddayadu waxay ku dedaalaysaa raali gelinta macaamiisha ,waxanaanu soo saarnay kamaradan yar la qaadan karo ,iyada oo jeebka lagu ridan karo,loona isticmaali karo si walba,waa mid iskiriin leh,waana mid ku haboon socdaalka deg dega ah in laysku sawir karo,sidoo kalena qofku wax dheeraynaaya ku sawiran karo”,sidaas waxa yidhi masuul u hadlaayey shirkadda Canoon.

Leave a Reply