Gudidda Qandaraasyada Qaranka Oo Beeniyey Warar ay Ka qoreen Warbaahinta Qaarkeed

0
595

By: Cabdi M.Safwaan
Hargaysa (Dawan): Gudoomiyaha gudida qandaraasyadda qaranka somaliland Aadan Cabdilaahi Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa  ayaa ka war bixiyey habkii uu u dhacay qandaraaskii tababarka ciidanka ilaalinta goobaha ay ka socota sahaminta  shidaalka.
 
Waxaanu  iftiimiyey habkii ay u kala saareen shirkadihii u  tartamayey qandaraaskaasi, waxa kale uu gudoomiyuhu beeniyey warar lagu baahiyey wargaysyada iyo Tv-yada dalka oo sheegaya in si aan cadaalad ahayn loo sameeyay bixinta qandaraaskaasi.
 
 
Aadan Cabdulahi Xassan isaga oo arrimahaasi ka hadalayayna    waxa uu yidhi “Qandaraaskii lagu bixinayey ciidanka ilaalada shidaalka ee dhawaan madaxwaynuhu digraytada ku soo saaray ee ciidanka OPU-da, dhukmantiri baa la sameeyey, lix shirkadood ayaa soo dalbaday way yaraayeen dabcan laakiin shirkado wada international aanu u aragnay ayey ahaayeen ha kala wanaasanaadeenee, qiimaynta waxa ka qayb galay gudi iskugu jira gudidii wasiirada ahaa ee madaxwaynu u xilsaaray iyo qubaradii buuga iyo kontaraaga dhukamatiga ah sameeyey iyo xubno ka mida gudida qandaraasyada qaranka oo aniga ka mid ahay, lixdii shirkadood markii noola keenay waraaqahoodii iyagoo rikoodhin ah oo xidhan oo sidii ay iyagu u soo dalbadeen, video camara ayaanu haynaa sidii loo furay iyada oo lawada joogo inayn meeshaa cidna ka maqnayn ayaanu haynaa.”
 
 
“Markaa warbaahintu waxa ay ahayd inay yidhaahdaan waar bal dhinaca kalena maad waraysataan intaad dhinac uun aad warkooda faafinaysaan, markaa ma TV ha noqotee ama jaraa’id ha noqdee way u baahan tahay in la hubiyo wararka ay qorayaan, jaraaidkana xaqbuu u leeyahay inuu masuuliyiinta wax waydiiyaan oo ay yidhaahdaana arinkaas ayaa jiree maxaa ka jira”  Gudoomiyaha gudida qandaraasyadda qaranka somaliland Aadan Cabdilaahi Xasan.
 

Leave a Reply