Shirkadda Google Oo Casriyeysay Computer-keeda Chrome Computer

0
407

Shirkadda Google ayaa  casriyeysay waxyaalo cusubna ku dartay Kombiitarka ay samayso ee Chrome ka loo yaqaano,waxaanay ku sheegtay  warbixin ay soo saartay arbacadii inay ku dartay qaybo cusub oo ay ku biirisay RAM-ka computerkaasi,waxa kale oo ay tilmaantay inay fududaysay habka wax loogu diri karo ama faylal looga dhex qaadan karo.
Waxa kale oo ay sheegtay inay kusoo dartay computer yar oo ah nooca la qaadan karo aadkana u yar,kaas oo qofka u fududaynaaya inuu meel walba ku isticmaalo,waxaanay sheegeen inuu qalabkani noqonaayo mid si fudud waxyaalo loogaga diro taleefanka gacanta ee Screen Touch-ka ah,iyada oo loo eegaayo Android inuu yahay.
Waxyaalaha laysu diraayo ee lagula kala wareegaayo computer-ka iyo mobile ka ayaa noqonaaya kuwo loo adeegsanaayo waqtigan internet,iyada oo ay caawinayso waxyaalo cusub oo iyada lagu soo dari doono barta baadhitaanada ee Google,taas oo ay sheegtay shirkadu in gacanta lagu hayo waqtigan.
Shirkadda ayaa sheegtay in sidoo kale la doonaayo in laga dhigo computer-kani inuu noqdo mid gacanta lagu wadi karo oo laga maarmo Mooska loo isticmaalo,iyada oo aanay habkaasi wax faahfaahin dheeraada ka bixin.
Waxa kale oo ay dadka isticmaalayaa computerkan ogeysiin doonaan inay ka tageen ,iyaga oo cod ku isticmaalaaya,sidaasna waxa lagu sheegay warbixinta ay soo saartay shirkadda Google.

Leave a Reply