Jacaylka Xeesha Dheer Ee Runta ah

0
466

Imaamka Ibnul-Qayim wuxuu yidhi “Jacaylku waa geed qalbiga ku yaalla, xidhiidhkiisuna waa is hoosdhigga cidda la jeclaado, jiridiisuna waa barashadiisa, laamahiisuna waa ka cabsashadiisa, caleemihiisuna waa ka xishoodkiisa, midhihiisuna waa adeeciddiisa, waxa geedkaas lagu waraabiyo xuskiisa”
Haddaba, haddii jecaylka mid ka mida intaasi ka maqnaato waa kala dhiman yahay. Jacaylka aad Allah (sw) jeclaato waa intaasi lahaado.
Waxa kale oo Caalimka Ibnu Rajab yidhi: “ Allah (sw) jacaylkiisu  waana inaad jeclaatid waxa uu waajibka ka dhigay, necbaatidna waxa uu xarimey. Waa inaad jeclaatid Rasulkiisa (scw) diintiis inoo keenay, kana hor marisid jecaylkiisa naftaada iyo reerkiisab. Waana inaad raali ka ahaatid isuna dhiibtid sharciga Allah soo dejiyay.Waa inaad  jeclaatid Anbiyada iyo kuwii raacay jidkooda.

Leave a Reply