Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Ingiriiska

0
468

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay  u kicitimay  dalka Ingiriiska.Waxaanu   sida qorshuhu yahay magaalada London kaga qaybgali doonaa   shir la xidhiidha  maalgashiga  Somaliland oo ay iskaashanayaan Somaliland iyo Ingiriisku.
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa  safarkiisa   ku wehelinaya, Marwada koowaad  Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina Waris), iyo sidoo kale xubno ka mid ah golihiisa Wasiirradda o ay ka mid yihiin  wasiirka madaxtooyadda,  Wasiirka  Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, wasiirkii hore ee ganacsiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar.
 
Madaxweyne Axmed   Siilaanyo oo  madaarka  Diyaaradaha Hargeysa  warbaahinta kula hadlay oo faahfaahin ka bixiyay u jeedadda socdaalkiisa  waxa uu  sheegay  in uu  magaaladda London ee dalka Ingiriiska  kaga qaybgelayo shir  ganacsi oo  la filayo in uu 14-ka bishan halkaasi ka furmo.        Waxaanu tilmaamay in shirkaasi  uu noqon doono mid ay ka soo bixi doonaan waxyaabo wax tar weyn u yeesha maalgashiga Somaliland.
“Waxaanu maanta (shalay) u amba-baxaynaa aniga iyo weftiga ila socdaaba dalka Ingiriiska, halkaasi oo lanagaga soo marti qaaday in aanu ka qaybgalno shir ku saabsan maalgashiga Somaliland, oo aan rejaynayo in uu wax weyn oo midho-dhal u noqda dalka iyo dadka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
Waxa kale oo uu  madaxweyne Axmed Siilaanyo   sheegay in ay shirkaasi dawladda Ingiriiska  ugu soo bandhigi doonaan kana dhaadhicin doonaan   fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu ka qaybgalno shirkaa isaga ah,  oo aanu ugu soo bandhigi doono dawladda Ingiriiska iyo cida hogaaminaysa, waxyaabaha Somaliland ka suurtogalay iyo baahiyaha dalka iyo wixii maalgashi u noqon kara intaba aanu ka dhaadhicin doono, waxaanan ka rejaynayaa shirkaasi inuu noqdo mid wax tar weyn u yeesha maalgashiga Somaliland iyo in dalkeena la maalgaliyo oo dhaqaalaheena la horumariyo, waxaanan rejaynayaa in shirkaas ay ka qaybgali doonaan dad badan oo wax ka garanaya maalgashiga iyo ganacsato badan, waxaanan rejaynayaa inuu shirkaasi noqdo mid wax tar weyn u noqda dalka iyo dadkaba”.
Dhinaca kale, madaxweyne  Siilaanyo   oo wax laga waydiiyey in  xukuumadiisu ka qayb galayso shir ay abaabulayso dawlada Denmark oo dhawaan loo qabanayo  Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay Somaliland shirkaasi ka qayb gelayanin, haddii aan  gaarkeedda loo soo casuumin.
Waxaanu yidhi “Shirka Denmark iyada oo  Somaliland gooni loo soo casuumo mooyee shir aanu kaga qayb galayno anagoo  qayb Soomaaliya ka mid ah  ma jirto, haddii aanu ka qayb galnana waxaanu kaga qayb galaynaa anagoo  Somaliland ah.”
Mar   wax laga  waydiiyay  dhaliilaha dhinaca horumarka gaar ahaana wadooyinka ee ay  xisbiyadda mucaaridka ahi  u   jeediyaan. Xukuumadiisa, waxa uu ku jawaabay   “Waddooyinka wax laga qabtay iyo horumarka  la qaybtay waxay muujinaysaa inay yihiin wax-qabad, dadka dhaliilayaana waxay ka xun yihiin wixii wanaagsan ee la qabtay, oo waxay   oo ka dhimanayaan  oo ka ba’aya ayaan u arkaa inay yihiin” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay su’aal la xidhiidhay  in doorashooyinka soo socdaa inay dib uga dhici karaan wakhtigooda, ayaa sheegay   in doorashooyinku   ay ku qabsoomi doonaan wakhtigii loo cayimay waxaanu yidhi “Doorashooyinku xiligooddii ayay dhacayaan wax ka baedelmayaana ma jiraan”.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply