TALO U JEEDIN GANACSADA DALKA

0
495

Waxaynu qaybtan kusoo qaadanaynaa talo ku socota dadka ganacsatada ah taas oo ah inay u naxariistaan oo ay dabacsani u muujiyaan dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka oo aanay kor ugu qaadin qiimaha maciishada ee marba marka ka danbaysa kor usii kacaysa taas oo aanay awoodin dad badan oo ka mid ah dadka danyarta ah, waxa jirta oo xaqiiqo ah in ganacsatadu ay qiimaha si naxariis daro ah ugu dalacaan dadka iyaga oo u adeegsanaaya qiilna ka dhiganaaya inay maciishadu dunida inteeda kale kor uga kacday, waxase hubaal ah inaanu xaalku sidaas ahayn oo uu ku jiro in laga badbadiyay, waxaana haboon inay ganacsatadu u naxariistaan danyarta. Waayo hadda oo kale marka uu qiimaha doolarku sare u kaco waxa ganacsatadana looga bartay inay iyana ay kor si naxariis daro ah ugu qaadaan qiimaha maciishada oo xataa hadduu hoos usoo dego iyo hadduu kor u kacaba labadaba kor u qaado oo aanu marnaba hoos u soo deign.

Leave a Reply