Masar Oo Laga Furay Hudheel Cirka Ku Yaala

0
430

Dalkaasi Masar ayaa dhowan laga furayaa Hudheel ku yaala xaga sare ,isaga oo ka sareeya dhulka 200 oo fiit,waxaana laga helayaa hudhaalkaasi dhamaan waxyaalaha laga helo hudheelada dhulka ku yaala.
Hudheelkan ayaa kuraasidiisa waxa ku xidhan ilaa 6 suun oo ah kuwa amaanka,waxaana loogu talogalay inay qofka ka badbaadiyaan inuu dhulka ku dhaco,iyada oo aanad wax cabsi ah darameenay.
Sidaasna waxa lagu  daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Mail oo ah mid laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska maalintii salaasadii,isaga oo sheegay inaad hawo wanaagsan ku helay 200 oo giniga istarliiniga ah,waxaana ku yaala hudheelkaasi miis qaadi kara 22 qof oo ay wax ku cuni karaan,waxaana laga heli karaan cuntooyin kala duwan,kuwaas oo ah kuwa Masar laga helo iyo kuwo kale oo laga helo wadamo ay kamid yihiin Singapoor,Greek iyo kuwo kale oo badan.
Wargeyskaasi ayaa sheegay in tijaabada hudheelkani oo kale ay dhamaatay sannadkii 2006 dii,iyada oo uu gacantiisa ku tijaabiyey nin u dhashay dalkaasi Belgium oo lagu magcaabo David ,kaas oo da’ahaan gaadhaaya 49 sanno.
Wargeyskan ayaa sheegay in tijaabadani ku shaqaysay wadamo gaadhaaya 45 wadan,kuwaas oo caalamka ku wareegsan,waxaana kamid ah wadamada ay tijaabadani hore uga soo hirgashay Faransiiska, Kanada, Israa’il, Shiinaha, Ingiriiska, Isbayn, Dubai, Las Vegas, NV.

Leave a Reply