Dagaalka ka dhanka ah Daacish

0
461

Inkastoo lagu hayo duqeymo xagga cirka ah iyo dadaalka ugu fiican oo ay wadaan ciidammada dowladda Ciraaq, haddana xoogagga Daacish waxay weli xukumaan kudhowaad dhammaan qaybaha dalka Ciraaq ee Sunniyiinta, xagga woqooyiga, bartamaha iyo galbeedka dalka.
Daacish waxay ku jiraan magaalada labaad  ee ugu weyn Ciraaq ee Mosul, hase ahaatee waa lagu hareereysan yahay.
Dalka Suuriya gudihiisa, Daacish weli waxay xukumaan dhul ballaadhan oo ka tirsan bariga iyo woqooyiga dalkaas, waxayna ku soo durkayaan dhulka Kurdiyiintu ka joogaan magaalada Kobane.
Cidina ma filayn in si dhaqso ah loogu burburin doono duqeymaha xagga cirka ah.
Hase ahaatee waxay beddeleen xeeladahooda dagaalka. Iyagoo isaga tegaya goobaha ay u arkaan inay bartilmaameed u noqon karaan weerarrada xagga cirka ee ciidammada isbahaysiga caalamiga ah ay ku hayaan, waxaana ka dhintay dagaallamayaal loogana burburiyay qalab milateri wax u muuqda inuu noqon doono dagaal daba dheeraada oo si gaabis ah u socon doona.
 

Leave a Reply