“Madaxweynuhu Wuu Sharaxan Yahay, Waxaanu Ummadda Ka Iibinayaa Wixii uu Qabtay”

0
382

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland C/Waaxid C/qaadir C/raxmaan,    ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay war ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa magaaladda Hargeysa,  kaas oo ay ku sheegayeen in madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay tartanka murashaxnimadda  doorashadda madaxtooyadda ee sanadka dambe lagu wado inay ka dhacdo dalka.
C/Waaxid C/raxmaan C/qaadir ayaa waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu daahfuray Kulliyadda Barashada Culuumta Saxaafadda oo ay soo kordhisay Jaamacadda GOLIS,   waxaanu sheegay in aanay jirin in meel uu madaxweyne  Siilaanyo ka sheegay inuu ka tanaasulay hankiisii murashaxnimo ee doorashadda la filayo inay qabsoonto sanadka 2015.
waxaana uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo ka qayb gali doono tartanka doorashadda madaxtooyadda. Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, waxa uu cadeeyay in madaxweyne Siilaanyo uu mar labaad u sharaxan yahay madaxweyne-nimo doorashadda kal-dambe, isla markaana aanay jirin meel uu ka sheegay in uu ka tanaasulay.   Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxa maalmahan dambe warbaahinta ku arkayay war ay warbaahintu qoraysay oo ay ku sheegayaan in aan madaxweynuhu sharaxnayn warkaasi meel alaalle meel  laga keenay garan mayno, xukuumadda kamay iman, madaxweynahana lagama maqal waa war aan sal iyo raadtoona lahayn. Madaxweynuhu wuu sharaxan yahay, wuxuuna u sharaxan yahay wixii uu umadda ka iibiyay, markii uu doorashadda doonayay ee aanu  xilka  hayn ee uu umadda u qabtay ee uu kaga dhabeeyay ayuu markaa doorashada la gaadhana iibin doonaa barnaamijkaa uu doorashadda ku galay ee uu kaga dhabeeyay intiisii badnayd ayuu madaxweynuhu ku soo noqonayaa oo ku  sharaxan yahay waana u diyaar in uu ka qaybgalo tartanka doorashadda madaxtooyadda ee soo socota isagoo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.”
 
Dhinaca kale  wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta waxa uu bulshadda Somaliland u soo  jeediyay inay qaataan kaadhka jinsiyadda ee lagu bixinayo diiwaan-gelinta madaniga ah.
 
“Waxaan u soo jeedinayaa muwaadiniinta Somaliland inay u soo baxaan diiwaan gelinta madaniga aqoonsigoodana ay qaataan, ka dhabeeyaan inay yihiin muwaadiniintii rasmiga ahayd ee lahayd dalkan Somaliland, taasaa  keenaysa in aynu sheegno waxa aynu nahay tiradaanna sheegaysa oo muwaadinimadana muujinaysa” ayuu yidhi  Wasiir  Ku xigeenka Warfaafintu.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply