Sare U Kac Ku Yimid Qiimaha Dhuxusha Lagu Kala Iibsado

0
407

Dhawrkii bilood ee u dambeeyey waxa kor u kac ku yimid qiimaha dhuxusha lagu iibiyo ee Magaalada Hargeysa, taas oo saamayn ku yeelatay qoyasaska danyarta ah ee la daalaadhacaya korodhka aan la saadaalin Karin ee ka haysta maciishada. Qiimaha lagu iibiyo Kiishka dhuxusha ah ayaa meelaha qaar wax yar ka hooseeya 100,000SL/shilling ah hadii la helo, taas oo culays balaadhan ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee uu hooseeyo dakhliga soo gala maalintii oo markooda horeba aanu ku filayn daboolida nolol maalmeedkooda.
Hase yeeshee waxa kor u kacan baaxada leh ee qiimaha dhuxusha loo aanaynayaa Wasaarada Deegaanka oo culays saartay dadkii ka ganacsanayey soo shidida dhuxusha iyo meelihii laga soo shidi jiray oo fogaaday kadib markii xaaluf ba’ani dhulka ku yimid dhuxusha oo xaalufin ba’an ku haysay deegaanka iyadoo ay weheliso in deegaanadii dhadhawaa oo dhan ay dadkii deganaa ka mamnuuceen in deegaanadooda laga shid, iyadoo aanay jirin wax lagu bedelo geedka la shido ee dhuxusha loo bedelo, ayaa haddana waxa jirta daraasado fara badan oo ay haayada Candlight ka wado in dhuxul laga dhigo geedka Garawaaga la yidhaah oo dadka ku hayn jiray dhibaato muddooyinkii horana loo arkaayay inaan laga dhigi Karin dhuxul ayaa hadda shaacisay inuu geedkani noqon karo dhuxul bedel u noqota oo lagu badbaadiyo xaalufinta dhirta kale ee aanfaca u leh dad iyo duunyadaba.
Waxa walwalka badan ku haya qoysaska reer Somaliland ee duruufaha dhaqaale ku gadaaman yihiin in sida qiimaha dhuxushuba uu kor ugu kacay ama ay u yaraatay keenisteedu ay sidoo kale sare ugu kacdo Gaastu ama dalkaba la waayaba.
 

Leave a Reply