115 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyay Jaamacadda Nugaal Ee Magaaladda Laascaanood

0
450

Laascaanood (DAWAN)- Wasiirro ka  tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay  ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jabinayeen 115 oo ka aflaxday Jaamacadda Nugaal ee Magaaladda Laascaanood kuwaasi oo muddo afar sannadood ah baranayay shan kuliyadood oo jaamacadaasi laga dhigo.
Xafladii loo sameeyay  qalin-jabinta dufcaddii 5-aad ee ka baxday jaamacadda Nugaal oo lagu qabtay xarunta jaamacadaasi waxa ka soo qeyb galay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobollada barri Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle), Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md. Bashiir Cabdi Xariir, Guddomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan iyo Duqa Laascaanood C/Qaadir Jaamac Faarax, madax dhaqameed, waalidiin, ganacsato iyo marti sharaf kala duwan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Prof. C/Risaaq Lafoole ,oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu ammaanayo dhammaan ardaydan ka qalin jabisay jaamacadda Nugaal oo uu tilmaamay inay dhamaysteen degree-gii koowaad ee jaamacadda ee kulliyadaha kala ah Shareecadda islaamka, Caafimaadka, Waxbarashadda, Maamulka  Ganacsiga iyo IT-ga.
Guddoomiyaha jaamacaddu waxa uu sheegay in uu u mahad celinayo waalidkii iyo macalimiintii ardaydan ku soo tabcay.
Wasiirul dawlaha Nabadeynta goboladda barriga dalka Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in jaamacadda Nugaal ay soo saarto dufcadii shanaad oo ka kooban 115 arday oo wiilal iyo gabdhaba iskugu jiray, waxaanu ku bogaadiyay dedaal iyo juhdiga ay waxbarashadooda kaga midho dhaliyeen.
Wasiir Cali Sandulle waxa uu dhalinyaradda gobolka Sool ugu baaqay inay ku daydaan ardaydan oo ay awooda koowaad saaraan waxbarashadda jaamacadaha si ay jahliga uga baxaan, waxaanu ku dardaaray inay bulshadda gobolku u midowdo adkaynta nabad-gelyadda oo ah waxa suurto-gelinaya waxbarashada iyo horumarka noloshaba.
Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Mudane Bashiir Cabdi Xariir, ayaa isna dhambaalka hambalyadda ah ee uu u diray ardaydaas aflaxday ka sokow, waxa uu 115-ka arday ee qali-jabiyay ugu baaqay inay  aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshadooda isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u noqon lahaayeen mutacalimiin afkaaro cusub hindisa oo horumarinta bulshadda kaalin togan ku yeesha.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply